Ragii Loo Heystey Iney Ka Dambeeyeen Qaraxii Ka Dhacay Baydhabo oo Ay Maanta Maxkamada Dowlada Ciidanka Qalabka Sida ee Dowlada Federaalka Ku xukuntey Dil Toogasho

0
49

courtMaxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Somalia, ayaa maanta Xukunno ku Ridday lix ruux oo lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyeen Qaraxyadii bishii lasoo dhaafay ka dhacay Degmada Baydhabo oo Sababay Geerida dad fara badan.

Eedeysanayaashan oo toddoba ruux ahaa ayaa Shan ka mid ah lagu xukumay Dil Toogasho ah, kaddib markii Maxkamaddu ay sheegtay inay ku caddaadeen dambiyadii lagu soo oogay oo ahaa inay ka dambeeyeen Qaraxyadii Baydhabo.

Sidoo kale, Maxkamaddu Waxay Xabsi Saddex sano ah ku Xukuntay hal ruux, halka Ruux kalena ay Amar ku bixisay in Xabsiga laga sii daayo, markii lagu waayay Dambigii lagu soo eedeeyay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida; Col. Xasan Nuur Maxamed (Shuute) ayaa ku dhawaaqay xukunka ay Maxkamadda Ciidamadu maanta ku ridday eedeysanayasha oo midkood uu maxkamadda ka maqnaa.