Golaha Qurbo Joogta Koonfur Galbeed oo Cambaareeyey Falkii Waxashnimada Ahaa ee Shaley Ka Dhacay Magalada Baydhaba

0
33

SSDC-290x239War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska golaha qurbo joogta koonfur galbeed somaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxii maalintii shaley lagula beegsaday dad shacab ah oo iska fadhiyey meel maqaaxi ah bartamaha magalada baydhaba.

Golaha qurbo joogta kulan deg deg ah oo ay xaley yeesheen ayaa waxaa ay kaga hadleen masiibadii shaley gilgishey gebi ahaan magalada baydhaba taaoo ay geysteen umad aan la ogeyn hadafka ay ku leynayaan shacab aan waxba galabsan, waxeyna sheegeen in wax laga xumaado ay tahay falkaasi waxashnimada oo ay shaley geysteen kooxdaasi naftood haligayaasha ah.

”Waxaan dhihi karnaa naftood haligayaashii shaley dhibaatada u geystey shacabka aan waxba galabsan iney kasoo horjeedaan Nolosha iyo horumarka shacabka koonfur galbeed waana in meel looga soo wada jeestaa qof kasta ama koox kasta oo isku deydo iney carqaladeyso ama dhibaato u geysto shacabka koonfur galbeed”.

Maamulka golaha qurbo joogta koonfur galbeed ayaa cod dheer ku cambaareeyay qaraxii shaley lala beegsaday dad shacab ah oo iska fadhiyey maqaayad ku taala magalada baydhaba ayagoo aan waxba galabsan.

Ku dhawaad 35-ruux ayaa la sheegay iney ku nafwaayeen halka tiro intaa kabadana ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax ismiidaamin ah lala beegsadey mid ka mid ah maqaayadaha ku yaala magalada baydhaba.

Ugu dambeyn war saxaafadeedkan kasoo baxay xafiiska maamulka golaha qurbo joogta koonfur galbeed ayaa waxaa ay hay’adaha amniga koonfur galbeed ugu boorinayaan iney ka foojignaadaan islamarkaana ka hortagaan qaraxyada ay maleegayaan kuwa nabada diidan isla markaana lagu dhibaateynayo shacabka.