Alshabab oo Maanta Madaafiic Ku Garaacdey Garoonka Aadan Cade uu magalada Muqdisho

0
33

airportMadaafiic ayaa lagu weeraray garoonka caalamiga ah ee Diyaaradaha Muqdisho, Waxaana Al-shabaab ay sheegtay inay iyagu ka dambeeyaan duqeynta ayna ku beegsadeen Xarunta AMISOM ee Xalane oo ku dhagan Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia iyo goob-joogayaal ah ayaa sheegay in madaafiic dhowr ah lagu weeraray garoonka diyaaradaha, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha duqeytan ka dhashay, taasoo xaafadaha ku dhowr garoonka Muqdisho laga maqlayay.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ku dhow goobo ay daggan yihiin xaqiijiyada Qaramada Midoobay ee Somalia, kan Midowga Afrika, safaaradaha waddamada Caalamka qaarkood iyo weliba dublamaasiyiinta ka Hawl-gala Somalia.

Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa warbixinno ay soo dhigeen barahooda ku sheegay in madaafiic dhowr ah ay ku weerareen xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane, laakiinse ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay duqeyntooda.

Dhanka kale, Hay’adaha Ammaanka dowladda Somalia iyo AMISOM ayaan weli ka hadlin duqeynta la sheegay in Al-shabaab ay xalay la beegsatay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho xilli dowladda Somalia ay sheegtay in la adkeeyay Ammaanka Garoonka Diyaaradaha.