Afhayeen u Hadley Ururka Midowga Africa oo Sheegey In Ciidan Ka Socda Midowga Africa Aan La Gayn Doonin Dalka Burundi

0
257

African UnionAfhayeen u hadlay Midowga Afrika ayaa sheegay inaan ciidammo nabad-ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika la geynayn Burundi illaa inta laga helayo ogolaaso xukuumadda dalkaas, oo mowqif adag ka istaagtay ciidammo Afrikaan ah oo dalkeeda la geeyo.

Ergeyga Ururka Midowga Afrika oo Gobolka Harooyinka Waaweyn, Ibraahiima Fall ayaa sheegay inaysan markii horeba Ururka Midowga Afrika u Qorsheysnayn inay Ciidammo u diraan waddankaas, illaa xukuumadda Burundi laga helayo ogolaasho dhab ah.

Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa sheegaya inuu u arkayo colaad haddii ay ciidammo ka socda Midowga Afrika soo fara-galiyaan dalkiisa, uuna la dagaallami doono ciidamadaas.

Waddanka Burundi ayaa waxa tan iyo bishii Abriil ee sannadkii hore ka billowday colaado ka dhashay go’aankii madaxweynaha Burundi uu ku sheegay inuu markii saddexada u Tar-tamayo Xilka Madaxweynimo ee Waddadnkaas, taasoo ay Mucaaradku kasoo hor-jeesteen; kuna sheegeen inay tahay mid xad-gudub ku ah dastuurka dalkaas.

Colaadaha ka taagan Burundi ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen in ka badan 400-qof oo u badan shacab, iyadoo kumannaan qof oo kalena ay isaga barakacen dalkooda, iyagoo ka baqdin qaba colaado sokeeye oo dalka Burundi ka qarxa mar kale.