Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Gaarey Magalada Kismaanyo

0
33

xasan sheekhWafdi uu hoggaaminayo madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kimaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Xubnaha wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah; wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia, waxayna ka dhoofeen degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada oo uu madaxweyuhu shalay ka furay Shirweynaha lagu dhisayo maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay xubno uu ka mid ahaa hogaamiyaha Maamulka Jubbaland, Axmed  Madoobe iyo RW Somalia Cumar C/rashiid, Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda Somalia.

Socdaalka Madaxweynaha Somalia iyo Wafdigiisu ay ku tageen Kismaayo ayaa salka ku haya shirka looga hadlayo doorashooyinka sannadka 2016-ka ka dhici doona Soomaaliya, iyadoo lagu wado inuu shirkaas furmo Gellin-ka dambe ee maanta oo Arbaco ah.