Daawo Ururka Gargaarka iyo Horumarinta ee Rajo oo Shaqo Nadaafad Ah Ka Fulinaaya Degmada Wanleweyn

1
188

photo (1)Ururka gargaarka iyo horumarinta ee rajo ayaa beryahan waxaa uu howl iskaa wax u qabso iyo wacyi gelin ahba ka wadey degmada wanleweyn ee gobolka shabeelaha hoose si degmada ay u gaarto  horumar wax ku ool ah.

Maalintii shaley ayaa ururka waxaa uu howl qashin aruuris ah ka bilaabey gudaha degmada wanleweyn ayagaa halkaasi ka gurey qashin aad u badan oo bulshada dhib badan ku hayey  islam markaana shacabka ku wargeliyey in si buuxdo ay uga qeyb qaataan nadaafada degmada.

Ururkan la magac baxay Ururka Gargaarka iyo Horumarinta ee Rajo ayaa waxaa uu dhisan yahay in ka yar 3 bilood waxaana uu ku guuleystey inuu degmada ka qabto howlo badan oo dhinaca gargaarka ah ayagoo shaqadii ugu horeysey oo ay qabtaan aheyn iney buugaag, dhar iyo qalimaan ay u qeybiyaan ardeyda wax ka barata iskuulaadka degmada wanleweyn, Waxaa kaloo ay gacan weyn ka geysteen sidii loo joojin lahaa cudurkii shuban biyoodka ee bishii lasoo dhaafey ka dilaacey degmada wanleweyn ayagoo halkaasi geeyey daawooyin badan si ay uga hortagaan cudurka.

Si kastaba arintu ha ahaateen howshan qashin aruurinta ayaa noqoneysa howshii seddexaad oo ay qabtaan ururka rajo ayagoo looga baahan yahay in baahida ka jirtaa deegaanka isku dayaan intii ay qaban karaan iney wax ka qabtaan.

[slideshow_deploy id=’23876′]

1 COMMENT

  1. Wadadaan bishaan aan ku jirto sanadkii hore 2014 ayaan ku lugeeyay, waana wax lagu farxo in la nadiifiyo oo ay dadka qaar is xilqaamaan ama sida meesha ka muuqato ha’ada Rajo ay gacan ka geysato. all in all, waxay illa tahay waqtigaan ilamaha aha in la sugo dadkale in ay kuu dhisaan wadan ama magaalo balse waa macquul in ay kugu caawiyaan burburinta inta yar ee aad haysato. Dhab ahaantii magaaladaan wanle weyn waa meesha kaliya somalia dadka xirfadlayda ah ay ka yimaadaan, Runtii ilama aha qof aan xirfad lahayn in uu ku nool yahay. Muhandisiinta xamar iyo jedah joogaa inta badan waxay ka yimaadaan wanle weyn. Dhismayaal badan oo aad u qurxoon kuna yaalla jidah saudi arabia iyo xamar waxaa dhisay muhandisiin degmadaan u dhashay. Waan rajaynayaa in ay markaan daafeet ay noqoto Jedah- yar. ….

Comments are closed.