Xasan Sheekh oo 3 Maalmood Ku Maqnaa Degmada Baladweyne oo Shaley dib ugu Soo Laabtey magalada Muqdisho

0
40

xasanMadaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo oo seddex maalmood ah ku sugnaa magaaladda Beledweyn ee gobolka Hiiraan ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaaladda Muqdisho.

Maalmahii uu Madaxweynaha ku sugnaa Beledweyn ayaa si guud iyo si gaaar gaar ahba waxaa uu ula kulmayey Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha dega gobolka Hiiraan. Madaxweynaha ayaa kala hadlayey sidii loo sii adkeyn lahaa heshiiskii dhowaan la dhaxdhigay beelaha walalaha ah ee ku dagaallamay magaaladda Beledweyn iyo in bulshadda gobolka Hiiraan warbixin laga siiyo dhismaha maamulka gobolleedka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri. “Waxaan aad & aad igu mahad-celinayaa odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshadda Gobolka Hiiraan oo soo dhaweyn waanaagsan inoo sameeyey, islamarkaana nala wadaagay dareenkooda iyo kalsoonida ay ku qabaan Dowladda Federaalka ah.”

Si kastaba arintu ha ahaatee xukuumada fedseraalka ayaad moodaa iney kala fahli yeeleyso shacabka ay sheegeyso iney matasho sababtoo ah dagaalo noocan oo kala ah oo ka dhaxeeya dad aan deegaan wadaag laheyn ayaa maalin walba waxaa ay kusoo noqnoqdaan gobolka shabeelaha hoose mana jirto cid ka hadasha.