Jaaliyadaha Kasoo Jeeda Degmooyinka Awdheegle iyo Afgooye oo Xaley Kula Ku Yeeshey Dalka Beljim

1
37

1Kulan aad u balaaran oo ay isgu yimaadeen Aqoonyahana iyo waxgaradka kasoo jeeda jaaliyadaha degma Degmada Afgooye Iyo Degmada Awdheegle ayaa maalintii sabtida oo ay taariikhdu aheyd Dec 19. 2015.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey ururo somali ah oo ka dhisan dalka Beljim oo kala ah Green Hope Somalia iyo Light of Education.

Kulankan ayaa dadkii ka hadley waxaa ka mid ahaa Huseen Abdullahi oo taabtey muhiimada ay leedahay in la helo wada shaqeyb buuxda oo ay yeeshaan jaaliyadaha kasoo jeeda labadaa deegaan waxaa kaloo madasha ka hadley Sheikh Ismail, Sheikh Mukhtar, Osman Qasim, Sayid Omar iyo Abdullahi Xaaji.

Gabagabadii kulan ayaa dhamaantood waxaa ay isku af garteen in ay xooga saaraan sidii ay isugu xiri lahaayeen qurbo joogta kasoo jeeda degmada Afgooye iyo Awdheegle isla markaana ay u caawini lahaayeen dadkooda ku nool gudaha dalka somaliya.

1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

2

1 COMMENT

Comments are closed.