Xaar Ilaliyaha Guud ee Dowlada Federalka oo Ku Baaqey In Lala Dagaalamo Musuqmaasuqa

0
36

xeer-ilaaliyeXeer-ilaaliyaha Guud ee Qaran, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed inay si adag ula dagaalamaan musuq-maasuga ragaadiyay dalka, isagoo xusay inay jiri doonaan isbedello, waddankuna uusan kusii jiri doonin marxaladaha hadda jira.

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sidoo kale xusay inay la-xisaabtan uu jiri doona, ruux walba wuxuu geystayna lagula xisaabtami doono, isagoo intaa ku daray in haddii xilligaan lagu jiro ay saamixi waydo in hay’adii ama shaqsigii musuq-maasuq lagu helo ay imaan doonto xilli lala xisaabtamo, sharcigana la hor-geeyo.

Sidoo kale, xeer-ilaaliyaha ayaa intaa kudaray in muhiimadu tahay in baaritaan la sameeyo; baaritaanka kaddib sharciga la horkeeni doono, haddii aan maanta la keeni waayo, berri ayaa la keeni doonaa ama waqti kale, isagoo sheegay inay hay`aduhu taxaddar dheeraad ah sameeyaan.

Ugu dambeyntii, Xeer-ilaaliyaha ayaa ka hadlay inay waayadan dambe ay soo badanayaan boobka iyo dhaca dhulka hay’adaha dawladda Somalia iyo kuwa shacab, isagoo xusay inay jiraan Dad sidii ay doonaan ka yeelaan Dhulalka Hay’adaha Dowladda, kuna Tagri-falaan dhulalka, guryaha iyo hantidii dawladdu leedahay.