War Miyaadan Xishooneynin? Gaalkacyo Maxaa Ku Geeyey? »

2
48

shariif xasanShariif Hassan waxa uu Gaalkacyo u tagay in uu heshiisiiyo labo beel oo Soomaali oo isku haysto hal Magaalo aan Xeeb laheen, wabi ma lahan, roobka ku yar yahay, kaliya ah wado baabuurta marto ah. Magaaldaas ayaa la isku haystaa oo dhiig ku daaday. Soomaalida waxa ay ku maah maahi jirtay ” Haddii Alla Roob Kaa Dhigo, Gaalkacyo Ma ku Da’i Laheed” Macnaheeda waa meel aan sidaas wax tar u laheen. Laakiin dadkii degenaa ayaa waxtar u yeelay oo nooleeyay.

Hase yeeshee Shariif Hassan iyo dadka koonfur galbeed ee iimaanka Alla ka qaaday. Waxay dhiibeen seddex gobol oo barwaaqo ah, oo beerasho ku fiican, bad leh, deked leh. hawo fiican leh, wabiyo leh. Shariif Hassan wuxuu ku darsaday haddana sedexdii kalena ee soo hartay waddaaas ayeey mareysaa, oo cid ka dagaalantay ma jirto? Waa seddex gobol oo barwaaqo oo seddexdii hore loo dhiibay aan waxbo dhaamin! Cid ka hadasho, waa la waayay, oo qof waliba wuxuu dan biday, in wasiir, iyo agaasime been ah uu u doonto Shariif Hassan, ????

Markaa suaashaas iiga jawaabo, aamusnaanta waa dadnimo xumo, runta oo aad ka leexataana berito ayey ku dhibeysaa. Waxaan la hadlayaa waa dhalinyarada iyo wax garadka Koonfur galbeed ee xalaasha ah.

Waxaan soo geliyay Sawirada dadka qaar oo aan qabiil ahaan ku taageerno oo haddana dhulkeena maalin cad gatay!!! Kuwaas ma in la taageeraa mise waa in la takooro!!!!

Cabdi Sheeq – Cabdi koonfurgalbeed.
U doodaha Dadka Koonfur Galbeed Ee lixda Gobol

2 COMMENTS

  1. kan shariif sakiin danta dm ma wado dm dhulkooda waa heli doonaan hadow ilaah idmo wah badan ayey sabreen hoog ama xeelad sey ku helaan waa helayaan dhulkooda insha alaah wsc

  2. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Ogow dhulka madhamaadaaw laakin xaaqinka dhamaadee! Hala dhiiri geliyo inta xalaasha ah ee wadaniyada ku harsan tahay

Comments are closed.