Dowlada kenya oo Sheegtey Iney Ciidamo Horleh u Direyso Xadka Ay La Wadaagto Somaliya

0
34

Mandheera_Wajeer_KenyaDowlada Kenya ayaa sheegtay inay xadka ay la wadaagto Somalia u dirtay ciidammo dheeraad ah, si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay falal ammaan-darro ah ka wadeen xadka toddobaadyadii u dambeeyay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xoogag ka tirsan Al-shabaab oo u socda kooxo-kooxo ay toddobaadyadii u dambeeyay dhibaatooyin ka wadeen deegaannada gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Sidoo kale, xiriiriyaha gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Maxamuud Saalax ayaa sheegay inay adag tahay in amniga deegaanka la sugo, iyagoo sabab uga dhigay roobab da’aya iyo waddooyinka oo xun, balse ay ciidammo badan xadka loo diray.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii shacabka deegaannada Konton iyo Bariga Wajeer ay sheegay inay soo warareen 10-xubnood oo Al-shabaab ah; kuwaasoo weydiistay cunno iyo biyo.

Xoogagga Al-shabaab ka tirsan ayaa la sheegay inay ka gudbeen xadka Somalia iyo Kenya oo ayna calankooda ka taageen deegaanno ka tirsan dalka Kenya, iyagoo dadka deegaanka ku waaniyay inaysan joogitaankooda u sheegin ciidanka Kenya, sidoo kalena gaadiidkooda aysan raacin.