Reysulwasaare Cumar C/rashiid oo Muqdisho Dib ugu Soo Laabtey

0
25

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntlad Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo qaar ka tirsan maamulkiisa ayaa maanta kusii sagootiyey Gegida Diyaaradaha ee Puntland Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’ake iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo.

Wefdiga ayaa dib ugu laabtey magaalada muqdisho halkaas oo ay markii horeba kasoo kicitmeen kadib markii ay Garoowe u yimaadeen xal u raadinta shaqaaqooyinka kasoo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka iyo sidii dib guryohoodii loogu celin lahaa dadkii kasoo barakacay shaqooyinkaasi.

Ra’iisul-wasaare Sharma’arke ayaa koox xaqiiqo raadin ah oo wefdigiisa kamid ah u diray magaalada Gaalkacyo si ay usoo ogaadaan xaqiiqada dhabta ah ee kajirta magaalada Gaalkacyo e Xarunta Gobolka Mudug.

Kooxdan xaqiiqo raadinta ah ee uu diray RW Sharmaarke ayaa waxaa kamid ah Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawladda Federaalka iyo wasiiro dawlayaal.