Muxuu Salka Ku Hayay Kulankii Cumar Xalweyste Iyo Shariif Sakiin

2
48

Xalweyste-iyo-SakiinIyadoo Soomaali-weyn ay ka dheregsan tahay sababta markale Cumar Cabdirashiid Ra’iisul wasaare loogu magaacabey oo ahayd iibintii Badda Soomaaliyeed mas’uulkii ugu sareeyay ee fududeeyey, uuna ku weheliyey Shariif Sakiin iyo caadaqaatayaal farabadan oo taariikhda xusi doonto sida Madaxweyne Beeleedka Puntland oo aanan kala saari karin hantida dalka iyo dadkaba ka dhexeyse iyo Nacaybka uu u hayo Hawiye.

Hadaba si aanu u ogaano imaanshaha Cumar Xalweyste waxaad dib u xasuusataan xiligii Shariif Sakiin iyo C/weli Gaas ay haweysanayeen in Umada Soomaaliyeed Madaxweyne u noqdaan waxaana labadooduba ku segeen Mas’uuliyadii Ilaahay Caadilka ahaa ee ogaa cadawada umada ay u qabaan darteeda usha ugu diidey.

Xiligaasi oo 2012-kii ay ahayd waxaa ay Gaas iyo Sakiin ku heshiyeen in 2016-ka Oktobar in qarash iyo fikirkastoo ku kacaba Hawiye Barlamaanka lagu reebo laba dooduna Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare kala noqdaan waa mid.

Mida kale in ay maamul goboleedyada madax kasoo noqdaan maadaama aanu beesha afaraadi kaba mid ahayn latashiga hiigsiga 2016 in haddii la isu yimaado labadani (Darood& DigilMirle) marwalba isku cod noqdaan si ay Beesha Hawiye keligeed u noqoto.

Qodobka ugu danbeeyey ee maalin qarowga ah ay kusoo heshiiyeen ayaa ah in Magaala Madaxda Muqdisho laga raro iyadoo nabadgelyo dari iyo kala danbeyn la’aan Reer Hawiye u cuskanayaan Garoowena lageeyo.

Hadaba Intaasi Balan Dulmi Ahaa Maxaa Hakiyey?

Sida caamka ah Shariif Sakiin oo aan u sameysneyn Hormarin Dal iyo Dadba gaar ahaan Beelaha D&M hormarkoodu uu u yahay Murug usoo korodhey ayaa waxaa uu Boobland kula soo heshiiyey xiligii Itoobiya Kaaraheeda doortey Odayaal iyo waxma-garatadooda wuxuuna Axmed Madoobe u sheegey in sedaxdiisa u madax banaantahay Dekada Kismaanyo $150.000 (boqol iyo kontonkun oo dollar) bishii aad iga siiso ,Axmed Madowe waxaa uu ka balan qaadey $80.000 bil walba maadama Nabar ku taagna uu kasaarey.

Hadaba laba bilood keliya ayaa la siiyey Shariif Sakiin wixii ka danbeyeyna talefoon lagamaba qabanaynin.!
Wuxuu in badan ku calaan caley Gaas oo heshiiska iskula jireen, isna waa la bixin iska xisaabso iintaasi uma dhaafi jirin.

Sidoo kale Sakiin waxaad ogsoon tihiin qofka ugu diyaarad raacida badan inuu yahay waxaana sabab u ah in haddii uu arimo badan oo telefon lagu hagi karro ay jiraana uu diyaarad shaqsi keliya u qaato waa midee in badan ayaa telefon laga duubey mida kale maba jiro aduunkani qof uu aaminayo waayo isagaaba Aamiin ahayn qofkasta isaga ayuu ismooda waa Shariif Sakiine.

Hadaba Shariif Sakiin siyaasadiisa guracan ayaa ah in meeshi uu lajiro misaan yeelanayso iyo raaracaynta sed daciifkii Boobland darteeda waxaa uu dhinac seexdey Maamulka Galmudug ee ay Damu Jadiid maalgashadeen wuxuna ka mid noqdey Asxaabta Xassan Garguurta.

Waxaa xusid mudan shirarkii hiigsiga ee tirada badnaa ee maamul goboledyada iyo dowlada dhexe loo qabanayay marwalba waxaa uu ahaa Xasan ayaan ku raacsanahay xataa haddii wax aan dan u ahayn Xasan sheego.!

Hadaba Mas’uulka macna weyn ku lahayn muwadiniinta Soomaaliyeed ee keliya loo soo magacabey C/rashiid Cali Sharmaarke wiilkiisa weeye waxaa keliya uu Baydhaba u yimid ayaa ah:
SHARIIF, HAA WAXAA KAAGA BAAHAN ILMO DARAOOD ISMACIIL XALINTAADANA WAXAAN U WADA NAHAY DIYAAR EE 4.5-TA HAWIYE KA KAC 18 GOBOL INALA QAAD JEEBKAAGA MUGIISANA SHEEGO!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.

Isku soo wada duub Baafafka Xalwo Baydhaba Cunisteeda waxaa u weheliyey Balantii Hawiye u galney haka bixin
Waxaase Dadka Ka Harey Kuwa Dalkooda Iyo Dadkooda Lagu Gorgortama.

2 COMMENTS

  1. QOFKA HADUU QORAAL U ISTAAGO SIYAASADA QIIMAHADEEDA WAA IN WAX UU KA FAHAMAA SIYAASADNA UU KU HADLAA EE MAHAN WEERARADA QABIILKA KU SALEYSAN IN UU KU SALEEYO WAX QARAN KA DHAXEEYO EE DADKAANI IYAGAA KA TASHANAAYAAN AAYAHOODA SI SIYAASAD KU DHISAN OO AAN WAXABA U DHIMAN INTA WAX KA DHAXEEYSO OO SIYAASAD WADAAG LA AH GOBALKAAN EE QORAALKA HA LAGU DABAQO SIYAASADA WADANKA KA DHAXEEYSO YAAN QABIIL LOO DADAIHIN EE SIYAASAD SIDEEDA HALOO DAAYO WAX WALIBA SIDASI ULA SOCDA GOBALKAANI DADKIISII SOOMAALI WEEYN AYAAN MARQAATI KA AH IN SOOMAALI OO DHAN MACIIN KA RAADIYAAN IYAGOO OG DADKA DEG IN CADAALAD YIHIIN SOOMALINIMADA KA DANBEEYAA QABIILKOO DOONONABA HA AHAADEE

  2. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Waayaab runta maxay ku diideen ee uma jeedaan miyaa dulmiga laga gelaayo DIGILMIRIFLE”DULI LAMA HULAABTO AAWEY HANADADAADI DOQON BAA HABOWSAN WELIGEED HALEYSAN”

Comments are closed.