Magalada Muqdisho oo Kaalinta Labaad Ka Gashey Magalooyinka Dunida Koraya

0
97

muqdishoHay’adda Consultancy Demographia oo Xarunteedu tahay dalka Mareykanka ayaa sheegtay in Muqdisho ay ka mid tahay magaalooyinka sida dhaqsaha badan u koraya calaamka, sidoo kalena ay shacabka ku nool kordhayaan.

Warbixinta hay’addu ayaa waxaa lagu sheegay in magaalada ugu horreysa caalamka ee soo koraysa ay tahay Batam oo ku taalla wadanka Indonesia, iyadoo la sheegay in shacabka ku nool ay tiradoodu tahay 1.1-milyan, ayna sanad kasta ay shacabkeedu kordhan 7.4%.

Magaalada labaad ee ayay hay’addani ku sheegtay inay tahay caasimadda dalka Somalia ee Muqdisho, iyadoo sheegtay in tirada shacabka ku nool ay gaarayaan 2.1-milyan oo qof oo la sheegay in shacabkeedu ay kordheen 6.9%.

Waxayna intaas ku dartay warbixintu in ay sabab u tahay dib u soo kabashada Muqdisho amniga xilligan jira kaddib in ka badan 20-sano oo ay colaado sokeeye ka jireen, iyadoo Somali ah oo dibadaha ku noolaana ay dib ugu laabteen.