Diyaarad Kuwa Milateriga oo Fiidnimadii Caawa Ku Degtey Wadada u Dhexeysa Afgooye iyo Xamar

0
49

diyaarad-milatryDiyaarad kuwa millateriga ah oo loo maleynayo inay saanad ciidan u siddo ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa caawa fariisan weyday garoonka diyaaradaha Aden Adde ee Muqdisho, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan inay si khasab ah ugu degtay waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Illaa hadda lama oga in diyaaraddu burburtay iyo in kale, balse waxaa la sheegay inay si khasab ah ugu dagtay waddada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana shacabka ku nool deegaannadaas ay walaac ka muujiyeen diyaaraddan.

Qaar ka mid ah dadka goobjoogayaasha ah ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradda uu ka kacay dab markii caloosha dhulka dhiganaysay, inkastoo aanay jirin khasaare laga soo inay diyaaraddu sababtay.

Marar badan ayay diyaaradan isku dayday inay ku dagto garoonka diyaaradaha Muqdisho, balse way degi weyday, iyadoo wararka ay sheegayaan inay lugaha u bixi waayeen, balse ma jirto cid ka hadashay weli sababta ay ugu degi-waday garoonka Muqdisho.