Faallo..Cali Maxamed Geedi”Mukulaal Madoow Baydhabo horaa looga xoreeyay”

0
120

ogowWaa dhab horaa Baydhabo looga xoreeyay Mukulaal Madoow laakiin maxaa maanta keenay xasuusta Mukulaal Madow oo magaaladan Baydhabo laga xoreeyay in ka badan 15 sano ka hor?

Waa su’aal mugeeda iyo maangalkeeda leh una baahan in loo helo jawaab qancin karta muxaafad iyo mucaarad labaduba isla markaana caqli gal ah balse ka horow Jawaabta Cali Mxamed Geedi muxuu kasoo doonay Baydhaba?Waa dhab waa su’aal kale oo runtii in wax layska weydiiyo u baahan!

Yaabaye muxuu ahaa Duulaankan maxaase yaala Baydhabo oo ay rabaan Mudulood oo ilaa Imaamkooda maanta magaalada usoo gaareen…Adiguba isweydii!.

Wafdigan uu hogaaminaayo Cali Maxamed Geedi oo muduloodka ah ayaa kolkay kasoo degeen Baydhabo waxaa soo dhoweeyay xubno ka tirsan maamulka Shariif Sakiin kuwaasi oo saxaafada u sheegay inay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin inay magaalada ku soo dhoweeyaan wafdiga beesha Mudulood ee uu hogaaminaayo Cali Geedi isla markaana uu macalin Cali Geedi uu Bari doono madaxda maamulkooda qaabka ay u dhisi lahaayeen gole baarlamaan iyo wasiiro uu yeesho maamulkooda oo howshaasi sameynta Baarlamaanka KoonfurGalbeed u taag la’aa in ku dhow 10 bilood aqoon daro iyo kalsooni li’ darteed.
Mar hadii hadafka Mudulood iyo Kan Geedi uu sidaa yahay Macalin Geedi muxuu inoo dhisi doonaa?

Nin aad taqaanid yow yahay lama yiraahdee horta Geedi sow ma ahayn kii ku fashilmay xorayntii Baydhabo ka dib inuu Baydhabo ka Mukulaal Madoobeeyo xili uu Ra’isulwasaare ka ahaa Dowladii Marxuun Cabdullaahi Yuusuf Baydhabo Janaayna ahayd Caasimadii dalka oo ku meel gaar ah haday jawaabtu HAA tahay warku waa cad yahay oo maantana waa u Mukulaal Madoobeyn reer Baydhabo maadaama uu halkan waa Baydhabo ee u joogo Dulaalkiisa Fircoonka ahaa Sharwade Xasanow Eeden iyo Ciidanka Itoobiya.

Gunta iyo gebagebadii Geedi iyo Mudulood waxaan leenahay Xasan Aadan isagaa gebi ka laad laada ee yuuna Garaarta idiinla goyn Baydhabana wax maanta loogu Mukulaal Madoobeeyo ka weyn.