Boobka Dhulka Iyo Kadeedka Dadka Lagu Hayo

1
63

leegoSomaalidu ma qalato mana iibiso Neef Irmaan,iyo waliba qaalinta dhedig ee dhaqashada ku fiican, iyadoo la doonayo in muddo la manaafacaadsado, dulkana kama duwana Neef irmaan,sannad
walba waxaa laga goostaa Dalag kala duwan oo lagama maarmaan u ah nolasha dadka iyo duunyadaba.

Tacbashada Galleyda,masagada,Digirta,Salbukada,waa cuntada daruuriga ah ee ummaddeena quudato,waxaa kaloo quuta Xoolaha la dhaqdo, sida Balka,Buunshaha,caleenta Digirta,iyo
Sabuulka Galleyda, sidaa darteed Beeruhu waa laf dhabarta iyo Aas aaska Bulsho kasta oo Dunida ku Nool, waana Waajib Qaran oo Qof waliba Xil gaar ah uu ka saaranyahay.

Tan iyo wixii ka danbeesay Burburkii Dalka waxaa Abuurmay Kooxo Qowleysato daneystayaal ah oo aan xil kas aheyn,Dal iyo Dadna aan dan ka laheyn, iney kufsi ugu dhaqaaqaan Ciiddii iyo Dhulkii Beeraha, iyagoo sheeganayo Ganacsato,laakiin run ahaantii Falalkooda gurracan uu yahay mid Boob iyo Kharbudaad loogu geysanayo dhul beereed boqolaal sano la soo Tabcaayey.

waxyeeladii ay abuureen waa wax muuqda oo la wada arko oo aan jirin cid dafiri karta.

WAX SOO SAARKII MUUSKA

Soomaaliya waxay Caan ku aheyd dhoofinta Moos Tayo leh oo aad u macaan, dunida oo dhan qiimo wanaagsan ku lahaa, midabkiisa iyo caraftiisa waxey aheyd mid u gaar ah mooska Soomaaliya,
ayaan darro. Maanta waxaan Aragnaa Nooca uu yahay mooska ka baxa soomaaaliya .

Waxaa taas ka sii daran Beerihii Waraabka ee lagu sifeyn jiray Danbiisha Rootiga ee Dalka (the bread basket) in loo rogay dhul lagu beero LIINTA DHANAAN oo kaliya, iyadoo meesha laga saaray wixii dalag kale ahaa ee beerahaas ka bixi jiray, sidoo kale Beerihii Roobka iyo dhul daaqsiinkii Xoolaha waxaa loo rogay dhul lagu Qalajiyo liinta la dhoofiyo, iyadoo dadkii Beerahaas Tacbi jiray ay barakacayaal ku yihiin Xamar iyo Agagaarkiisa.

Waxaasoo Aafo ah iyo kuwo kaloo jira, oo saameyn ku yeelan doonta dhammaan dalka iyo dadka soomaaliyeed guud ahaan,waa lagama maar maan ah in arintaas si Qaranimo wax looga qabto ,ma aha dhibaato u gaar ah Gobol waa mid Dal iyo Dad ay saameyn doonto Mustaqbalka dhow iyo kan Fog. Tusaale ahaan haddan soo qaadano , haddii dhul beereedkas lagu beero quutu daruuriga, sida galleyda mesegada iyo digirta, waxaa laga cuni lahaa  dalka oo dhan gees ka gees, maantase koox yar ayaa ka faa’ideysta dhoofinta Liinta,si taas wax looga qabto
waxey Mas’uuliyad gaar ah ka saarantahay Wasaaradaha kala ah :-
* Wasaaradda Beeraha * Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, * Wasaaaradda Qorsheynta Qaranka.

Dowladda iyo Baarlamaanka waa iney daraasad ku sameeyaan Arrintaas si loo helo Xal baajiya aafada jirta.
Qore : Cabdiwaaxid Saalax
Frankfurt – Germany

1 COMMENT

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Dalka uma baahna in calooshiisa loo bandhigo cadow ee wuxuu u baahan yahay in laga difaaco cadowga ku soo duuley

Comments are closed.