XALKA HIIGSIGA 2016-KA EE SOOMAALIYA TALO SOO JEEDINTA BULSHADA KOONFURTA SOOMAALIYA

0
35

konfur galbeedHordhac:

Labaatan iyo shan sano 25, oo dagaalo sokeeye, qalalaaso iyo Dowladdo taag daran na soo marey xilliyadii kumeelgaaarnimada iyo haatanba, ayaa weli Soomaaliya u muuqata mid la sii daala dhacaysa dhibaatooyinkii laga dhaxley bur-burka oo haatan aan xal waara loo helin, dhibaatooyinkaas oo saldhig u ah: Siyaasada iyo kheyraadka dalka sida loo maareynayo ama loogu heshiinayo ( Awood qeybsi Xukun iyo kheyraad wadaag). Qaabka Awood qeybsiga xukunka iyo kheyraadka lawadaago ayaa loo maareyaa hab cadaalad darro ku dhisan oo leh sed bursi.

Labadan dhibaato ayaa sal u noqdey in wadanka uu kala gogo’ku yimaado oo beeliba gobol ama degaan qabsato ayna isku sheegaan Maamul Goboleedyo ayadoon loo marin hab dastuuri ah oo sharciyad ku dhisan iyo rabitaan shacbiyadeed.

Awoodo shisheeye iyo faragelin dibadeed oo joogta ah ayaa sii murginaya xaaladda waxayna abuureen dhibaatooyin ay ka mid yihiin:

  1. Waxaa awood loo sheegtey Beelaha koonfureed ee aan hubeysneen oo deegaaanadooda loo sameystey maamulo sharci darro ah oo ayagu aan raali ka aheyn, loogana dan leeyahay in lagu boobo dhul iyo kheyraad.
  2. Waxaa la wiiqey midnimada iyo wadajirka soomaaliyeed iyadoo lagu dhiirigelinaya maamulada qasabka lagu dhisey iney ka falaagoobaan Dowladda Soomaaliya si dano shisheeye gaar ah loo fuliyo.
  3. Waxaa abuurmey hal dabaqad (Elitism) oo isku baahineysa xukunka dowladda dhexe, maamul goboleedyada iyo kan dowladaha hoose, ayadoon fursad ka qeybgal siyaasadeed loo ogoleyn shacabka wadaniyadda aaminsan. Dabaqadaas oo ay adeegsadaan gacmo shisheeye iyo cadowga Soomaaliyeed.

Talo soo jeedin:

Kulanka xalka Hiigsiga 2016ka ee Soomaaliya oo ay iskood si wadaniyad leh u soo qaban qaabiyeen Bulshada Koonfurta Soomaaliya ayaa lagu qabtey Hoteelka Naasa hablood 2, ee magaalada Muqdishu maanta oo Jimce ah 9, October, 2015. Kulankaas oo ay ka qeybgaleen 150 ruux oo isugu jira Odeydhaqameedyo, Culimo awdiin, Siyaasiyiin, Aqoonyahano Ururada Bulshada rayidka ah, Haween iyo dhalinyaro. Kulanka oo qaatey maalin   ayaa waxaa laga soo saarey talo soo jeedin ku wajahan Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, iyadoo loo soo jeedinayo sida ugu haboon ee loo arkey in looga gudbi karo dhibaatada daba dheeraatey iyo xalka hiigsiga 2016 ee Soomaaliya oo lagu wado inuu isbedel dhaco waxaana shirka laga soo saarey talooyinkan:

  1. Hiigsiga 2016ka ee Soomaaliya.
  2. Hiigsiga 2016ka Soomaaliya hadii uu yahay mid Soomaaliya dhisaya, waa inuu xaqiijiyaa in wadanka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo ah (qof iyo codkii), sanadka 2016, lana hirgeliyo nidaamka axsaabta siyaasadeed kuwaas oo u tartama doorashooyinka.
  3. Waa in la xaqiijiyaa ka qaybgalka doorashooyinka dabaqadaha hoose ee bulshada maadaama ay yihiin kuwa ugu badan loona baahan yahay iney helaan adeegyada bulshada.
  4. Waa in lahelaa hab doorasho oo ay ku qanci karaan dhamaan umadda soomaaliyeed, lagana hirgeliyo goobaha loo arko in laga hirgelin karo oo leh nabad gelyo ilaa xad la isku haleyn karo dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
  1. Xalka Labaad hadii ay dhici weydo doorasho:

Suurta galnimada iney dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ayaa shaki weyn laga muujinayaa, ayadoo dowladda Soomaaliya ay 29kii juulaay, 2015 ay shaacisey iney wadanka aysan ka qabsoomi Karin 2016ka doorashooyin hal qof iyo hal cod. Sidaas darteed hadii ay dhici weydo doorasho hal qof iyo hal cod, waxaan halkan ku soo talo jeedineynaa:

  1. Waa in la raacaa awood qeybsiga ku dhisan nidaam beeleedka oo lagu qaybsado xukunka dalka 5ta Beelood (Hawiye, DigilMirifle, Darood, Beesha 5aad iyo Dir), ilaa laga gaarayo doorasho xor iyo xalaal ah (One man One Vote).
  2. In Baarlamaanka Imanaya 2016ka laga dhigo shant beelood halkii ay ka aheed afar iyo bar.
  3. In beelaha ay soo doortaan xildhibaanadooda ayadoo laga ilaalinayo faragelinta, loona dejiyo nidaam iyo habraac la isku waafaqey loona saaro guddi madaxbanaan habraaca xulista xildhibaanada, gudigaas oo ay soo xushaan beelaha shanta ah.
  1. Hirgelinta Federaalka Soomaaliya.

Waxaan si buuxda u taagaareeynaa nidaamka federaaliisamka waana soo dhawayneynaa.  Bulshada waynta  Soomaliyeed guud ahaan inta badan waxay aaminsantahay in hirgelinta federaalka Soomaaliya ay wataan taladiisa beesha caalamka iyo wadamo shisheeye oo soomaalidu u aragto iney yihiin  cadow soomaaliyeed. Waana hawl taladeedu aysan soomaalidu laheyn laguna qasbayo nidaamka(Fad ama hafadin ah). Maamulada la sameeyey qaar sida (Jubba land iyo Koonfur Galbeed), waa kuwo aan ku imaanin rabitaan shacabi oo lagu qasbey awoodna loo sheegetey laguna daadshey dhiig muwaadiniin soomaaliyeed ayadoo loo adeegsadey awood military sida AMISOM.

Si looga hortago, arimahaas, kulankan waxaa lagu soo talo jeedinayaa hirgelinta federaalka soomaaliya in loo maro sidan soo socota:

  1. Shirkii heshiisiinta qaran ee Soomaaliya loogu qabtey Eldoret, Kenya 2004, waxay soomaalidu isku raacdey in la qaato nidaam federal ah oo lagu cadeeyey dastuurka haatan jira, qodobka (49) 6, waa in loo hirgeliyaa sida dastuurku qabo.
  2. In talada hirgelinta federaalka Soomaaliya laga dhigo talo Soomaaliyeed ayna faraha kala baxaan beesha caalamka gaar ahaan IGAD. Lana cadeeyo doorka beesha caalamka keliya inuu yahay taageero.
  3. Dowladda Dhexe waa iney hormuud ka noqotaa nidaamka hirgelinta federaalka ayadoo mareysa hab dastuurka iyo shuruucda federaalka waafaqsan.
  4. Hirgelinta Federaalka waxay u baahan tahay in la xaqiijiyo in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, dowladaha hoose mid waliba si xoriyad leh ugu shaqeyso bulshada si kala madax banaan dowladahaas, hase yeeshee, waxay ubaahan yihiin dhamaan dowladaha iney helaan dastuur damaanad qaaday jiritaankooda iyo doorka mid waliba leedahay, hadii aan lahelin dastuur si waadax ah u cadeynaya shuruucda federaalka waxaa lagu jirayaa is bar-bar yaac iyo khilaafaad siyaasadeed iyo iney falaagoobaan maamulo iyaguba cago fiican aan ku taagneyn oo u adeega dano kale:

Sidaas darted, si looga baxo isbar-bar yaaca, kala shakiga, iyo iska hor imaadyo dhex mara maamulada gudahooda iyo dowladda dhexe waxaa loo baahan yahay:

  1. In dib loo eego dastuurka lana cadeeyo qaabdhismeed ku haboon federal Soomaali leedahay
  2. In lakala cadeeyo doorka iyo mas uuliyadaha ay yeelanayaan Dowldaha, sida kan Dowladda dhexe, Stateyada (Maamul Goboleedyada) iyo Dowladaha hoose (Local Governments).
  3. In la sameeyo shuruuc ku aadan wadaaga kheyraadka (Fiscal Federalism), ayadoo la qeexayo awoodaha dowlada dhexe,maamul gobaleedyada iyo dowladaha hoose si waafaqsan heerka caalamiga ah ee federaalka
  4. Ka dib marka Dastuurka loo qaado afti dadweyne oo la ogo laado ayaa Soomaaliya ka hirgeli karaa federal dhab ah. Laakiin qaabka hadda ay wax ku socdaan waa mid mugdi gelinaya Jiritaanka qaranimada soomaaliya iyo madaxbanaanideeda.
  5. kulanka Xalka Hiigsiga 2016 ee Soomaaliya wuxuu ku baaqayaa in madasha dhowaan laga Hadley ee ah madasha wadatashiga qaran ee ay ku heshiiyeen maamul goboleedyo iyo dowladda 21 september, 2015, Muqdishu, taas oo ladoonayo in loogu gudbo mustaqbal wanaagsan ee Soomaaliyeed, waxaan halkan ka cadeynaynaa inaan madashaas aysan metelin beelaha koonfurta soomaaliyeed kumana dhisna awood qeybsi raali laga wada yahay, waana in laga saaro hab qeybsi maamul goboleed maadaama aysan ku dhisneyn sharciyad dhab ah oo aan raali ka aheyn Bulshada ay metelaan.
  6. Ugu danbeyn waxaan cadeyneynaa inaan aqoonsaneyn maamul goboleedyo ku yimid awood shisheeye oo kor looga keeney buylshada, waxaan taageereynaa dhismaha maamul goboleedyo ku dhisma rabitaan shacab oo hoos laga soo dhiso.

 

Wabilaahi towfiiq