Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlada federalka Somaliya oo Maanta Gaarey Garoowe

0
45

xamudTaliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya, Maxamed Sh. Xasan Xaamud iyo saraakiil sar-sare oo ka tirsan isla cidianka dowladda ayaa maanta si heer sare leh loogu soo dhaweeyay magaalaa Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Maamulka gobolka Nugaal ,kan degmada Garowe iyo saraakiisha uga saraysa ciidamada Puntland ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha, iyadoo si weyn loo ad-keeyay amniga magaalada Garowe

Taliyaha Booliiska Puntland, C/risaaq Af-guduud oo isagana warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in u jeedka socdaalka saraakiishaan ay tahay sidii ay kormeeri lahaayeen xaaladda ciidamada Puntland, isla markaana ay u wada qaadan lahayeen shirar quseeya iskaashiga labada dhinac.

Ciidamo isku dhaf ah oo laga soo kala xulay maamulada dalka ayaa dhawaan tababar loogu soo gunaanaday Muqdisho, waxaana tababarkaas taageerayay howl-galka QM ee Somalia.