Wariyeyaashii Universal oo Xukuumada u Xirnaa oo Maanta Xoriyadooda Dib u Heley

0
31

Cabdullaahi_Kulmiye_Xirsi_Cawil_Daahir_SalaadWariyeyaashii Telefishinka Universal ee u xirnaa dowladda Somalia ayaa maanta lasii daayay, kaddib dadaallo badan oo lagu bixiyay sidii ay dib xorriyadooda ugu heli lahaayeen.

Agaasimihii Bariga Afrika ee Universal Tv, C/llaahi Kulmiye Xirsi iyo Cali Daahir Salaad soo saaraha barnaamijka Dood-wadaag oo ahaa sababtii loo xiray ayaa dib xorriyadoodii loo siiyay.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysay in lasii daayo labadan wariye, iyadoo dhawaanahan dambe ay soo baxayeen baaqyo kala duwan oo lagu dalbanayay in lasii daayo wariyeyaashan.

Balse, guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay kala hadleen sii daynta wariyeyaashan xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr. Axmed Sheekh Cali Daahir, uuna ka ogolaaday in lasii daayo wariyeyaashan,

Wariyeyaashan ayaa muddo lix maalmood ah ku xirnaa xabsiga haya’adda nabad-sugidda Somalia ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, iyadoo weli uu xiran yahay xafiiska Tv-ga Universal ee Muqdisho, kaasoo la xiray 02-dii bishan, markaasoo la xiray labadan wariye.