Kooxo ku Hubeysan Bastoolado oo Maanta Laba Wiil Ku Diley Degmada wadajir

0
132

bistooladKooxo ku hubeysan bistoolado ayaa saakay degmada Wadajir ku toogtay wiil u adeer u yahay madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, kaasoo lagu magacaabi jiray Liibaan Cusmaan Cilmi iyo wiil kale oo la socday.

Liibaan ayaa ahaa dhakhtar ka hawlgala mid ka mid ah isbitaalada Imaaraadku leeyihiin ee Muqdisho ku yaalla, iyadoo aabbihii oo ay isku hooyo yihiin Xasan Sheekh uu dhawaan ku dhintay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dhakhtarka iyo wiil kale oo la socday oo gaari wata lagu dhex-toogtay gaarigooda, kaddib markii dableyda dishay ay ku hor-gooyeen gaari kale oo ay wateen, kaddibna ay rasaas culus ku fureen.

Illaa hadda lama oga sababta loo dilay Dr. Liibaan iyo wiilkii la socday oo la sheegay inuu dhawaan ka yimid Suudaan oo uu waxbarsaho jaamacadeed u jiray, iyadoo aanay weli jirin cid sheegatay mas’uuliyadda dilkooda.

Haya’daha amniga dowladda federaalka Somalia ayaan weli ka hadlin iyaguna dilka labada qof ee mid ka mid ah uu adeer u ahaa madaxweynaha Somalia ka hadlin, waxaana dilkaan uu ka mid noqonayaa dilal dhowr ah oo sannadkan ka dhacay degmada Wadajir.