Faallo…Digil iyo Miriflow Hadaadan u talin Ceel-Barde waa ay tashan doontaa!

2
185

ceerDegmada Ceel-Barde ee gobolka Bakool oo haatan ay muran gelinayaa horjoogayaal Mooryaan kasoo jeeda beesha Ogaadeen ayaa waxaa markii ugu horeysay maciin biday degmada inay dhibta ay beesha Ogaadeen la maagtay degmada ay la wadaagto inta la jeelka ah si ay wax ula qabtaan ugana saaraan murankan aan loo meel dayan oo beesha Ogaadeen ay gelinayso degmada waxayna Tellefoonka la tiigsatay Madaxda maamulka KoonfurGalbeed,Xildhibaanada BFS ee kasoo jeeda gobolka Bakool,Dhaqanka Gobolada KoonfurGalbeed ugu danbayn inta samaha jecel.
Waxayna Hadalkii ku bilowday:
*Ceel-Barde…Wal hery maleh walwalba dhamaadeen uniina geega daleel binaaw ii Hindhy teteegaa hanoo heri..Walba haatoo Uniina dadbaa enaa oo dugaag ma ihini dadkeey kooy weerdhidoo?
Ceel-Bardaa Tellefoonka lasoo booday waxayna u dirtay Shariif Xasan oo ay ceersi mooday Hallow..Hallow..ArHallow Aniiwah Ceel-Barduw….May in Dowahate Shaleentaa…Anuwa baa ki lahaa may ki daare aawkeey Shariif?
Kadib kolkii uu Tellefoonka Shariif qaban waayay ayaa Tellefoonkii fariin sidan ku yiri
*Fariinta Tellefoonka..Walaal qofka aad wacday hada waa mashquul ee markale soo wac.
Iyadoo Ceel-Barde ay weli ka yaaban tahay waxa tellefoonka uu u hadlaayo isla markaana aanu Shariif ula hadlayn ayay markale ku celisay.
Hallow..Hallow..ArHallow Aniiwah Shariif Ceel-Barduw….I may iin dhugunsity ma dowahasho?
Markale iyo fariin kadib kolkii uu qaban waayay Shariif.
*Fariinta Tellefoonka..Walaal qofka aad wacday hada waa mashquul ee markale soo wac.
Yaab Aduun kan dheh,dheegy jiri”Lang yhaab in aragnee eree yhaaba aragi”may daare Shariif,Mashquulka usi sheegaaw mashquul se-ewa…Daleela rooga-baa lahaa!
Ceel-Barde oo Shariif iyo Baydhabo ka quusataa u jihaysatay halkaas iyo Muqdisho si ay ula hadasho Xildhibaanada Digil iyo Mirifle si ugu yaraan dhibteeda ay wax uga dhahaan.
Waxay wacday Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari
Hallow..Hallow..Hallow Aw-Jawaari Aniiwah Ceel-Barduw….Hada ii Fartiin aa ?”ALLOW dad barasho dheh Gaalna rarashy”
*Fariinta Tellefoonka..Walaal qofka aad wacday hada lama heli karo ee soo wac markale.
Ceel-Barde oo la yaaban waxa Tellefoonka looga qaban la’yahay ayay istiri markan bal waco Xildhibaanada gobolka ugu jiro BFS kolkaasay wacatay Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Sheekh Aadan Madoobe) waa tan fariin kale
*Fariinta Tellefoonka..Walaal qofkan aad wacday lacag uguma jirto ee nabadeey!.Bismillaahi…May erii Beeso mahaaysido….Hee boghe..Ani Beeso ki weydiyeey…Way idugudy ki laha!
Ceel-Barde oo caradii ay qabtay u laba laabantay ayaa Tellefoon ku baadi goobtay Xildhibaan Afaraale nasiib wanaagna Afaraale oo jawaabay ayaa yiri.
Hallow..
*Ceel-Barde…Hallow..Arow Hallow Aniiwah Ceel-Barduw.
*Afaraale…Gorody
*Ceel-Barde…Arlaady walii jiroo ma ogsonidaa?!
*Afaraale…Haa.
*Ceel-Barde…May ku qowoteen oo uni ummadii insheegane?
*Afaraale…Hallow..Hallow..miki dheega-haayo…Khadkaawa hunyha taawiyee…Hoo adi i dheegaso keer in sheek heer Arlaady dhamaan haan!
Ceel-Barde oo la yaaban waxa dhacaya iyo sababta ayay markale naf ka raadisay golaha Dhaqanka Digil iyo Mirifle si ugu yaraan ay u badbaadiyaan doodan la geliyayna ay uga saaraan.
*Ceel-Barde…Hallow..Aw-Malaaq Hallow…Aniiwah Ceel-Barduw i dheegasee?
*Malaaq…Haa si wacan baan kuu maqlaa oo ma wax daran baa jira?
*Ceel-Barde…Meheey.
*Malaaq…War ila hadal hada waa Malaaqaagiiye ma waadan i garaneyn.
*Ceel-Barde..Yaab aduun mayhaayi Malaaq Reewing oo hadana Af-Reewingba inki Dowahaayne!Newedwa…Aw-Malaaq Arlaady sayme’ee..Si ani walkiinki sheegoona makasaaw ee Salaaminta.
Halkaasay Ceel-Barde telefoonkii ku demisay halkii iyada looga demin jiray.
Ceel-Barde oo aan weli quusan ayay la tiigsatay Tellefoonkii Soomaaliweyn
*CeelBarde…Hallow..Hallow…Soomaaliwiingneey Aniiwah Ceel-Barduw i dheegasaa?
*Fariinta Tellefoonka..Walaal Tellefoonkan aad wacday mid jira ma ahan ee iska hubi fadlan.
*CeelBarde…ALLOW aduun kan dheh in ani iski talado maa may kale hee hada.
Ceel-Barde oo ku qanacsan waxa dhacay kana qanacday kuwii ay mooday jeelkeed ayaa waxay go’aansatay inay isku tashato.

2 COMMENTS

  1. waligaaba quraan dhurwaa akhri, digil iyo mirif na doorada la qasho noogama duwana waaba yaabo dugaagi ugaadha ahaa ayaa ilbax isbiday, ay ay dhasho dhabar macaan maar baynu isku fahanaa e fagaaro imaada hadaad rag tihiin.

  2. sultan quraalkaada gedaal uGu laabo oo mar kale akhri qof miir leh ma akhrin karo sidaa ogaaw ama jawaab isoo celi markaat akhriso qalatkiisa garato wsc

Comments are closed.