Ciidamada Nabadsugida oo Howlgalo Ay Dad Badan Kusoo Qabqabteen Ka Sameetet Inta U Dhexeysa Afgooye Iyo Muqdisho

0
42

kunturwareyCiidamada Nabad sugida Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Howlgal amaanka lagu xaqiijinayo xalay ka sameeyay inta u dhexeysa muqdisho iyo Afgooye oo lagu baadi goobayay Al Shabaab.

Howlgalka ayaa ahaa mid Ciidamada amaanka ay ku doonayeen sidii ay ku ogaan lahaayeen una qab qaban lahaayeen dadka falalka amaandari ka geysta magaalada Muqdisho oo Dowlada ay ku shaqeyso.

Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka ayaa ku Howlgalayay xogo ay ka heleen Shacabka oo ku aadan iney bartilmaameedsadaan rag ka tirsan Al-shabaab oo loo far muuqay.

Ciidamada ayaa guru guri u baaray deegaanada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye sida Ceelasha Biyaha,Xaawa Cabdi,Carbiska, Degamada Agooye, iyo deegaano kale kuwaa oo laga soo qabtay dad kale duwan oo qaarkood markii la baaray la sii daayay.