Wasiirka Wasaarada Maaliyada oo Ka Warbixiyey Kulan Looga hadlayey Dhaqaalaha Dalka

0
41
ø;
ø;
ø;

Wasiirka Maaliyadda Somalia, Maxamed Aadan Fargeeti oo Nairobi kaga soo Qayb-galay kulan looga hadlayay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka ayaa saakay dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Farteeti ayaa markii uu ka soo Dagay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho Wuxuu la hadlay Warbaahitna isagoo faahfaahin ka bixiyay shir uu lasoo qaatay xubno ka tirsan Bankiga Horumarinta Afrika.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu kulammo kale la Qaatay Wasiirrada Maaliyadda ee Maamulada Goboleedyada Dalka, ayna ka wadahadleen qorshe ballaaran oo Wasaaraddu doonayso in laga wada-xaajoodo sidii loo midayn lahaa Canshuurada Soomaaliya, loogana fa’iidaysan lahaa barnaamijka maaraynta maamulka maaliyadda.

Ugu dambeyn, kulankan ayay Wasaaraddu uga gol-leedahay sidii ay wada-shaqayn buuxda ay u yeelan lahaayeen Maamullada Gobolada iyo Wasaaradda Maaliyadda XFS, si looga Faa’iidaysto mashaariicda Bangiga Adduunku kaga taageerayo Soomaaliya dib u Habaynta maamulka Maaliyadda dalka.