Maamulka Somaliland oo Fananiin u Xirxirey Sidee u Tegi Kartaan magalada Muqdisho

0
62

somalilandXukuumadda Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabtay Afar ka mid ah Fannaaniinta kooxda Xidigaha Geeska oo Maalmihii Ciidul-Adxa Bandhig-faneed ku soo bandhigay magaaladda Muqdisho ee Somalia.

Fanaaniint ayaa maanta markii ay kasoo degeen garoonka Cigaal international ee Hargeysa Ciidamada Amnigu Xabsiga u Taxaabeen kaddib markii ay kasoo laabteen Muqdisho.

Guddoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska, Xasan Saleebaan Dhuxul [Laab-saalax] ayaa u Xaqiijiyay Saxaafadda xariga fannaaniintan, kuwaas oo kala ah Xamda-Queen, Maxamed- Cirro, Nimcaan-Hillaac iyo Cabdiraxmaan-Oday.

Laab-saalax ayaa xusay in fannaaniintu aanay Xuduud lahayn, isla markaana meel kasta oo Afka Soomaaliga looga hadlo ay tagi karaan iyagoo Taageerayaashooda Gaarsiin doonaan Fankoodda.

Si kastaba arintu ha ahaatee siyaasida caatifada ku dhisan ee ka howlgashaa somaliland ayaa waxaa uu maanta gaarey in fanan loo xiro sidee u tegi kartaa magalada muqdisho taasoo dadka intiisa badan ku noqotey fajac maadaama uu fananku laheyn qabiil uuna xaq u leeyahay in uu tago meel kasta oo ay ku sugan yhiiin dadka taagera, Maha markii ugu horeysey oo ay fal noocan oo kale ku kacaan maamulka somaliland mar dhoweyd ayay aheyd kolkii ay diideen in dekada berbera kusoo xirato dooni qaxooti ka keentey dalka yemen.