Ciidanka Boliska Dalka Kenya oo Heegan La Geliyey

0
55

kenyaSaraakiisha ciidamada booliska dalka Kenya, ayaa sheegay in ciidamada booliska ay u daabuleen guud ahaan dalka Kenya kadib markii ciidamada sirdoonka Kenya ogaadeen in Alshabaab qorshe weeraro ah la damacsan yihiin dalka Kenya.

Joseph Boinett oo kamid ah saraakiisha ciidamada booliska ayaa sheegay in ciidamo badan oo booliska kenya ka tirsan loo daabulay magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya, kadiib markii la helay warbixin ku aadan in xiliyada farxada Alshabaab weeraro qorsheynayaan.

Sarkaalka ayaa sheegay in feejignaan dheeri ah la geliyay ciidamada amaanka inta ciida ka dhamaaneyso, sidoo kalana dadweynaha loogu baaqay iney ciidamada amaanka la shaqeeyaan si qatar amaan looga hortago.

Joseph, ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in ciidamo kale la geeyay xuduuda Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan keynta Boni halkaasi oo Alshabaab badan la aamisan yahay iney ku dhuumaaleysanayaan.