Muslimiin iyo Masiixiyiin Ku Dagaalamey Dalka Bartamaha Afrika

0
36

rebelsDhaliyaro Muslimiin ah iyo kuwo masiixiyiinta ah ayaa maalintii sabtida ku dagaalamey Dalka Bartamaha Afrika kaasoo dhaliyey dhimaso iyo dhaawac. Ilaa iyo hada sida la sheegayo waxaa ku dhintey 9 Ruux dhaawacana waxaa uu kor u dhaafey 34 ruux.

Hay’adaha Caafimaadka ee Jamhuuriyada Bartamaha Afrika ayaa sheegay in dhaawacyada iyo dhimashadu ay dhammaantood ahaayeen kuwo ka dhashay rasaastii ay dhinacyadu u adeegsanayeen dagaalka.

Ciidamada Qaramada Midoobay iyo kuwa Faransiiska ee dalkaas ku sugan ayaa kala dhex-galay dhinacyadan hardamayay, iyadoo xaaladdu ay maanta tahay mid deggen, waxaana colaaddan ay daba-socotay colaado dalkaas ka jiray labadii sano ee lasoo dhaafay oo u dhexeeyay Muslimiinta iyo Masiixiyiinta.

Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa lugaha dhiig kula jirtay tan iyo markii laga tuuray xukunka Madaxweynihii hore ee dalkaas sannadkii 2013-kii, markaas oo ay billowdeen colaadaha u dhexeeya Kooxda Islaamiyiinta ah ee Seleka iyo kooxda Masiixiyiinta ah ee Anti-balaka.

Xukuumadda KMG ah ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa cambaareysay colaadaha soo laalaabtay ee u Dhexeeyay Bulshada kala Aamisan Diimaha kala duwan ee Dalkaas ku nool, iyagoo xukuumaddu ay tiri.