Madaxweynaha Dowlada Federalka Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Maanta Shacabka Kula Tukadey Masjidka Isbaheysiga

0
114

jawariMadaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya Xasan Xasan Sheikh Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka prof Maxamed Osman Jawaari ayaa maanta Salaada Ciida dadweyne fara badan kula Tukaday Masjidka Isbaheysiga magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa halkaasi ku wehliyey Ra,iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Wasiiro Xildhibaano Saraakiisha ciidanka qalabka sida iyo mas,uuliyiin kale .

Salaada kadib ayaa Madaxweynaha dowlada federalka somaliya ayaa waxaa uu hadal u jeediyay bulshada Soomaaliyeed waxaana uu madaxweynuhu ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in bulshadu is cafiyaan iyadoo laga faa’iideysanayo munaasabada ciida .

Qaar ka mid ah wasiirada iyo xildhibaanada Qaranka ee salaada ku tukaday Masaajidka isbaheysiga ayaa dhankooda waxaa ay hambalyo iyo bogaadin u direen bulshada Soomaaliyeed iyagoo u rajeeyay in farxad ay sanadkaan kiisa kale ku gaaraan.

jawari