Kooxo Isbaaro u Tiiley Deegaanka Teedsan oo Rakaab Gaari Saarnaa Rasas Ku Furey

0
107

isbaaroWarar aynu ka helney deegaanka Teedasan ee hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dabley hubeysan halkaasi ku rasaasadeeyeen gaari ay la socdeen dad rakaab ah.

Rasaasta ay fureen dableyda hubeysan ayaa ka dhashay geerida hal qof oo rakaabka ah ka mid ah halka 4- kale dhaawacyo soo gaareen.

Dadka dhaawaca soo gaaray ayaa loo qaaday goobo caafimaad oo ku yaalo degmada Guraceel ee gobolka Galgaduud oo ah halka gaariga rakaabka siday ku sii jeeday.

Ma jirto ilaa iyo hada daba gal lagu sameeyay kooxaha rasaasasadeeyay dadkaasi rayidka ah, wadada u dhaxeysay Maxaas iyo Guraceel ku safrayay.