Soo Gudbinta Xildhibaanada Maamulka Shariif Xasan oo La Isku Mari Layahay

3
37

shariif sakiinWaxaa in mudo ahba laga sugayeyey odey dhaqameedyada gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha hoose in ay soo gudbiyaan liiska xildhibaanada maamulka shariif xasan uu yeelan doono taasoo ilaa iyo hada noqon wax suura gala.

Ilo ku dhow odayaasha ayaa hoosta ka xariiqey in ilaa iyo hada gobolada qaarkood ay isku mari layihiin sidii ay u qeybsan lahaayeen numbarka ay heystaan taasoo caqabad ku noqotey in ay liiska soo gudbiyaan.

Qeybsiga xildhibaanada maamulka shariif ee 3dan gobol ayaa waxaa qalalaaso aad u weyn ku haya kooxo aan deegaanka degeneyn isla markaana raba in ay si xoog ah ama laaluush ah kaga mid noqdaan baarlamaanka maamulka shariif maadaama uu asaga raali kaga yahay.

Xiligii loo qabtey in lagu soo gudbiyo xildhibaanada ayaa kolkii ay soo gudbin waayeen waxaa loogu darey mudo 21 cisho ah taasoo ayadana ay hada gabagabo taagan tahay suaasha la is weydinaya waxaa ay tahay ma waqti kaloo dheeri ah ayaa loogu dari doonaa? mise shariifka ayaa liiskiisa soo gudbin doona maadaama ay odayaashii ay kari waayeen in ay soo gudbiyaan?.

3 COMMENTS

  1. Waxas danta laga leyahay waxa weye in la yirahdo waxba wad so dhisi weysen e aniga dadkeyga diyarsan yihin oo darod iyo hawiye ka buxinaya ulajed kasi waayey caqil ma ahan marka odayasha waxan ka codsanaya ninkan shariif xasan yanan dheg jalaq lo sinin waxa ron in ad adinku isu tanasushan inti darod iyo hawiye la siin laha o lalush lagu so gelin laha wabilahi towfiq

  2. daafeet.com
    war hadaad tihiin digil iyo mirifle maad iska qabatiin shariif sakiin mise waad ka xishooneysiin maxaa yeelay xuquuqdiinii ayuu ka gatay dad kale oo degaanka aan u dhalan

Comments are closed.