Qarax Maanta Ka Dhacay Kastamka Magalada Mandheera

0
41

mandheraQarax lagu diyaariyay kastamka magaalada Mandheere ee gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa sababay geerida seddax askari oo Kenyaan ah iyo dhaawaca tiro intaa ka badan.

Xilliga qaraxu ka dhacayay kastamka magaalada Mandheere ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan ciidamada amniga Mandheere, iyadoo qaraxuna uu ahaa mid horay loogu sii diyaariyay goobta.

Qaraxa ayaa ahaa miino nooca la xukumo, iyadoo markii ay ciidamada soo fadhiisteen kadibna la qarxiyay.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaasi sida uu warbaahinta u sheegay Sheekh Cali Dheere, Afhayeenka ururkaasi.

Hay’addaha amaanka ee magaalada Mandheere ayaa weli wax war ah kasoo saarin qaraxan sababay dhimashada iyo dhaawaca.