Qarax Xaley Lala Beegsadey Maddaxtooyada oo Ay Dad Badan Ku Dhinteen

2
25

qaraxWeerar xaley ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada ayaa waxaa uu geystey dhibaato isugu jirta dhimasho iyo dhaawac inta la ogyahay ilaa iyo hada waxaa ku dhintey 4 ruux dhaawacana waxaa uu kor u dhaafey 5.Ugu yaraan Saddex Ruux oo Ajnabi ahaa ayaa ka mid ahaa in ka badan 10-qof oo ku Geeriyooday Weerarkii Xalay ka Dhacay Afaafka hore ee Madaxtooyada Somalia, kuwaasoo u dhashay dalka Poland.

Weerarka ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku dhinteen Saddexda ruux ee u dhashay Poland aoo shaqooyin dhanka dhismaha ah ka wadeen Magaalada Muqdisho, isla markaana ay lahaayeen shikad dhismo oo madax-bannaan.

Waxaa kaloo Qaraxan ku naf-waayay tiro shacab ah oo goobta ganacsiyo kala duwan ku haystay iyo sidoo kale, Dad kale oo rayid ah oo iyaguna Xilligaas marayay afaafka hore ee Madaxtooyada iyo meelo ku dhow.
Weerarkan oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab ayaa waxay dhankooda sheegeen inay ku dileen weerarkaas in ka badan lix ruux oo ajaanib ah iyo Askar ka tirsan ciidamada dowladda Somalia oo ku sugnaa halka uu Qaraxu ka dhacay.

2 COMMENTS

  1. Maxey qabtaan ciidamada ilaalada ah
    hadii markasta meelaha dawlada halbowlaha
    u aha qaraxyo iyo weeraro lagu qaadayo.

    Arintu waxaey u muuqataa TIMIR LAF BAA KU JIRTA.

Comments are closed.