Dhegeyso:-Siyaasi Mahamed Maaxi oo Xoriyadiisa Dib u Heley

0
45

IMG_1567Waxaa xoriyadiis dib u heley siyaasiiga sida aadka ah looga yaqaan degmada afgooye siyaasi Maxamed Maaxi oo maalmihii lasoo dhaafey ay xabsiga u taxaabeen ciidan la sheegey iney ka tirsan yihiin nabadsugida dowlada federalka ah ee somaliya.

Ciidamadan oo sida la sheegey loosoo far muuqey Maxamed Maaxi ayaa waxaa ay kala bexeen gurigiisa oo ku yaala magalada muqdisho ayagoo sidoo kalana bililiqo xoog leh u geystey hantidii guriga u taaley siyaasiga, Goob joogayaal ku sugnaa xafadiisa kolkii ay ciidamadaasi siyaasiga ka kaxeysanayeen gurigiisa ayaa u sheegey Daafeet.com in siyaasiga loo heysto inuu ka mid yahay xarakada alshabab taasi oo runtii aad uga fajicisey guud ahaan dadka aqoonta u leh siyaasigan iyo guud ahaan shacabka degmada afgooye.

Kadib kolkuu Ku dhawaad mudo todobaad ah uu gacanta ugu jirey ciidamadaas ayaa waxaa uu xoriyadiisa dib u heley maalinimadii shaley siyaasiga Maxamed Maaxi ayadoo kadibna siyaasiga uu usoo baqooley degmadiisa afgooye taasi oo dadka reer afgooye isu soo bax balaaran ay u sameeyeen kadib kolkii uu soo gaarey degmada.

Isku soo baxan ay shacabka degmada afgooye ay kusoo dhaweeyeen siyaasi Maxamed Maaxi ayaa waxaa ay reer afgooye ku muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin siyaasigooda sido0o kalana waxaa ay camabaareeyeen falalka doqon magarada ah oo ay ciidamada dowlada kula kacayaan dadka shacabka ah.

Siyaasiga oo la hadley dadka halkaasi isugu soo baxay ayaa shegey inuu aad ugu faraxsan yahay inuu xoriyadiisa u heley isla markaana waxaa uu mahad celiyey shacabka reer afgooye sida ay u garab istaageen dulmiga uu ku xirnaa iyo hada uu xoriyadiisa dib u heley.

Si kastoo loo dhigaba xarigan loo geystey siyaasi Maxamed Maaxi ayaa waxaa uu qeyb ka yahay dagaalka ciidamo beeleedka beesha hawiye ee ku sugan gobolka shabeelaha hoose ay ugu jiraan Caburinta,Dilka, iyo Barakicinta ay ku hayaan Aqaanyahanada, Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo Madaxda kala gedisan ee reer gobolka shabeelaha hoose.

Bananbixii Degmada Afgooye

[slideshow_deploy id=’22554′]