Wasiirka Maaliyada Dowlada Federalka Somaliya Maxamed Adan Farkeeti oo Soo Dhaweeyey Din u Eegista Miisaaniyada Dalka

0
264

farkeetiWasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Farkeeti ayaa si diirran u soo dhaweeyey ansixinta dib u eegistii miisaaniyada Sannadkan 2015-ka, isagoona ku tilmaamay iney tahay talaabo looga hortagayo isu dheeli tir la’aanta dakhliga dowladda iyo kharashaadka baxaya.

Wasaaradda ayaa bishii hore u gudbisay soo jeein wax looga badalayo Miisaaniyadda golaha wasiiradda, waxaan goluhu si aqlabiyad ah isugu raacay in dib u eegis lagu sameeyo kharaashaadka dowladda,

Wasiirka maaliyadda Mudane Maxamed Adan Ibraahim “Fergeeti” ayaa tilmamay in dib u eegista miisaniyadda lagu sameeyay ay ku salaysan tahay inta badan talooyinkii ay soo jeediyeen xildhibaanada baarlamanka iyo waafajinta kharashaadka ku baxa hay’adaha dowladda.

Xoghayaha Guddiga maaliyadda ee barlamaanka oo kulanka golaha shacabka ka hadlay ayaa sharaxay dib u eegista lagu sameeyay miisaniyadda dalka iyo inta laga dhimay misaaniyaaddi hore. Isagoo sheegay in dhimista lagu sameeyey miisaniyadda aysan saamayn doonin musharaadka ciidanka iyo shaqaalaha rayidka dowladda.