Daawo Sawirada Jaaliyada Koonfur Galbeed ee Dalka Canada oo Casho Sharaf u Sameeyey Xildhibaan Mayow Xaaji Mustaf

0
85

mayowJaaliyada koonfur galbed ee dalka canada ayaa habeenkii jimcaha waxaa ay casho sharaf u shameeyeen Xildhibaan Mayow Xaaji Mustaf oo ka mid ah xildhibaanada dowlada federalka somaliya ee kasoo jeeda koonfur galbeed.

Xildhibaan mayow ayaa waxaa uu la socdaa wafi uu hogaaminaaya wasiiru dowlaha arimaha gudaha ee dowlada federalka somaliya oo beryahan safar ku marayey caalamka si ay usoo aruuriyaan fikradaha ay ka qabaan jaliyadaha somaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa qaadashada jinsiyada somaliyeed.

Xildhibaanka ayaa casho sharafta ka dib waxaa uu warbixin dheer ka bixiyey xaalada guud ee dalka gaar ahaan mida ka jirta koonfur galbeed waxaana uu ku booriyey in laga shaqeeyo midnimada si looga boxo dhibaatooyinka heysta dadlka kasoo jeeda koonfur galbeed somaliya.

[slideshow_deploy id=’22421′]