Dowlada Ugandha oo Maanta Dib Ugandha ugu Celisey Qaar Ka Mid ah Askartii Janaale Looga Diley

0
27

Maydadka_Askarta_UgandaUgu yaraan 10 Askari oo ka mid ah ciidamadii AMISOM ee Uganda ka socday ee lagu dilay weerarkii maalin ka hor ay Al-shabaab ku qaadday Saldhigga AMISOM ee deegaanka Jannaale ayaa dib loogu celiyay Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda.

Diyaarad kuwa Qaramada Midoobay ah ayaa maydadkan ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde, iyadoo dib ugu celisay Kampala ee Xarunta Uganda, si loogu Aaso Dalkooda.

Maydadkan maanta dib loogu celiyay Kamapla ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli aysan Taliska guud ee AMISOM ka hadlin khasaaraha Ciidamadooda Weerarkaas kasoo gaaray Weerarkii deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Taliska AMISOM ayaa qirtay inay jiraan khasaarooyin kasoo gaaray ciidamadooda Weerarkaas, iyagoo sheegay in xerada laga qabsaday Ciidamadooda, Laakiinse ay dib ugu laabteen saacado kaddib, markii ay heleen gumad.