Daawo:-War Cusub Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Sheegey In Puntland Keliya Loogu Yeeri Karo Dowlad Goboleed

0
24

jawariGuddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa sheegay inaysan dalka ka jirin wax Dowlad-goboleedyo la yiraahdo, laakiinse ay yihiin Maamul-goboleedyo, isagoo sheegay in Maamul-goboleedyadii Dhawaan la sameeyay ay ahaayeen kuwo go’aan siyaasi ah oo aan sharci ahayn lagu dhisay.

Jawaari ayaa arrintan ku sheegay su’aalo shalay lagu weydiiyay shirka dib loogu eegayo dastuurka dalka ee ka furmay Muqdisho, isagoo xusay in in wax badan la isku qaldo oo ah dowlad-goboleed iyo maamul-goboleed, taasna aanay wax sax ah ahayn.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa intaas ku daray in Puntland loogu yeeri karo Dowlad-goboleed, maadaama dhismaheeda uu ka horreeyo dastuurka hadda la sameeyyo, balse looga baahan yahay in waxyaabaha yar ee dastuurka ka dhiman la is-waafajiyo.

Si kastaba arintu ha ahaatee hadalka gudoomiyaha baarlamaanka ayaa moodaa in uu noqon doono mid kale oo abuuri doona carqalado hor leh maadaama uu maamul goboleedyada qaarna uu gu yeerey maamul goboleed halka kuwa kale sii ugu yeerayo dowlad goboleed.