Banaanbax Aad u Balaaran oo Maanta Ka Socda magalada Marka

0
32

marka4Banaanbax aad u balaaran ayaa maanta dib uga bilowdey magalada marka ka dib kolkii qaar ka tirsan ka tirsan mooriyaanta gobolka shabelaha hoose dhibaatada ku haya ay soo gaareen xerada amisom ay ku leedahay xaafadaha Buulo jaan, Buufow iyo Ayuub.

Shacab u badan oo careysan ayaa soo buux dhaafiyey afaafka hore ee xerada Xerada Amisom  waxaana ay ku qaylinayeen halku dhigyo ka dhan ah Kaaba Mooryaanta.

Bananbaxan ayaa qaatey mudo saacad ah ayadoo markii dambe shacabka loo sheegey in Xerada amisom uu ka dhici rabo Kulan dhex maraya Maamulka Xasan Cumarey iyo dadka deegaanka.

Waxaa xiran dhamaan ganacsigii magalada iskuulaadka iyo dugsi quraanada si sahacabka ay uga qeyb qaataan baxanbaxan ay si nabad ah ugu muujinayaan dareenkooda.