Faalo..Dhaqankow ma waxaad sugaysaan inuu Shariif idiin qaybiyo idiina soo xulo Xildhibaanada?

2
94

MuriKu dhowaad sedex todobaad ayaa kasoo wareegtay kolkii magaalada Baydhaba laga furay shirka awood qaybsiga iyo soo xulida xildhibaanada Baarlamaanka KoonfurGalbeed iyadoo ilaa iyo maantana aanay kasoo bixin shirkaasi wax natiija ah iyadoo sidoo kale waqtigii loo qabtay in shirka lagu soo gaba gabeeyo oo bil ahaana haatan ay ka harsan tahay todobaad kaliya.

Inta badan sedexdii todobaad ee uu shirku ka socday magaalada Baydhabo ayaa dhaqanku waxay ahaayeen kuwo kulmay xiliyo aad u kooban iyagoo dhanka kalena ayan wax isla meel dhigin ilaa iyo maantadan aynu joogno, Kulan la’aanta iyo waxqabad yarida jirta ayaa waxay salka ku haysaa turunturooyin uu dhaqanku dhexdhigay maamulka Shariif oo runtii diidan inay dhaqanku qabsadaan howshooda ku aadan qaybsiga iyo soo xulida xildhibaanada taasi oo u muuqata inuu shariifku rabo inuu isaga gacantiisa uu ku soo qoro Xildhibaanada Baarlamaanka KoonfurGalbeed kuna eedeeyo dhaqanka inay qaban waayeen howshii loo idmaday oo ahayd Qaybsiga iyo soo xulida Xildhibaanada.

Guud ahaan dhaqanka KoonfurGalbeed gaar ahaan kuwo Digil iyo Mirifle ayaa waxaa la gudboon inay dedejiyaan qaysiga iyo soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka KoonfurGalbeed iyagoo ku salaynaayo soo xulistaasi nidaam ku dhisan hab deegaan lehna hufnaan loo marayo Cadaalad,Sinaan,Wadatashi,Walaaltinimo iyo Xushmad loo hayo dhamaan beelaha reer KoonfurGalbeed iyagoon lakala qaadin, Sidoo kale ayaa waxaan uga digaynaa Dhaqanka inay ku dhacaan dabinta uu Shariif Xasan u dhigay ee ah inay ku guul dareystaan iskuna qabqabsadaan xubnaha ka mid noqonaaya Baarlamaanka taasi oo keeni doonta inuu Shariif Xasan gacantiina kala baxo soo xulida xildhibaanada kadibna siduu doono ka yeelo siiyana cidii uu doono sida uu horayba ugu sameeyay golaha Wasiirada maamulkiisa oo haatan ay qayb ka yihiin beelo aan degin gobolada sedexda ah ee maamulka Shariif iyo weliba beelo danbiyo ka gaystay KoonfurGalbeed iyo kuwo ilaa iyo maanta Shacabka dega KoonfurGalbeed ku haya dagaal,Dil,Barakicin,Kufsi,Cagajuglayn iyo Handadaad.

Waxay ku noqon-doontaa Khiyaano ummaddeed oo aan Shacabka KoonfurGalbeed marnaba uga hari doonin cafina doonin madaxda Dhaqanka Digil iyo Mirifle hadii dalabka Shariif Xasan ee ah in si gaar ah loo siiyo 10 Xubnood si uu u siiyo Beelo Danbiilayaal ah sida Habargidir iyo Abgaal ay u ogolaadaan.

Guud ahaan ummadda reer KoonfurGalbeed gaar ahaan Digil iyo Mirifle waxay ku taamayaan maanta kuna taami jireen xiliyo fog in maalin uun la gaaro maamul fedraal ah si guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ay u kala badbaado kuna badbaado ummadda KoonfurGalbeed degta ha yeeshee Tayda lihi taadana kula lihi ee ay wadaan Hawiye iyo Daarood ma ahan waxay ummadda reer KoonfurGalbeed marnaba ay qaadaneyso cida ay u soo wakiisheen ee uu Shariif Xasan hormuudka u yahayna taariikh xumo Aduun iyo Aakhiro seeg ma ahee ka heli maayaan waxaan ahayn.

Dhanka kale Runtii Shariif Xasan waa shaqsi ka mid ah Shacabka dulman ee reer KoonfurGalbeed sidaa oo ay tahay ayaa waxa uu haatan noqday Dulmanihii dadkiisa Dulmay maadaama uu hayin ugu jiro sidii dhulka yar ee hambada ah ee u haray Digil iyo Mirifle uu u bixin lahaa Laakiin ma huraan waa dhulkii Shariifoow Shacabkuna ALLE ayuu leeyahay waana uu dulman yahay oo Ducadiisuna waa Mustajaaba hadaadan Towba maanta dhihin wadadii ay mareen Towbalaawayaashii kaa horeeyay inaad mari waa la hubaa ee waqti waad haysataa hadaadan xaq Digil iyo Mirifle aadan soo dhicin karin walba ha bixin oo ka joog waxa aad wado oo ah”Dhul ku iibso Nabad”.

Guud ahaan ummaddi waa tii tashata oo aan tiirin Ummadda reer KoonfurGalbeedna loo tilmaami maayo sidii ay u tashan lahaayeen ee ay xuquuqdooda uga dhex doonan lahaayeen ugana soo dhacsan lahaayeen gumaysiga nala Magaca, Diinta iyo Dubkaba ah ee Hawiye iyo Daarood sidoo kale Rajciyiinta gudaha ee Shariif horhayana kuwii hore halkay mareen inay marinayaana su’aali kama taagna.

Guntii iyo gebagebadiina waxaan leenahay Halgan,Adkaysi,Difaac,Guul loo aayo.

Qlinkii

AbdiAziz ShSalah

2 COMMENTS

  1. Horte “Sakiin” se bow isku magacaabay in oo yahay “madaxweynaha” koonfur galbeed Somaaliya iskuna darsaday degmooyinka Shabeelada Hoose, Bay iyo Bakool. Ma lees waydiyay sida eey u suuragashay qof aan ka tiirsaneen qabiil aan hubeesneen (Asharaaf) ino manta iyo labaatanki sanad ee uga danbeesi in oo sidaan uga dhax muuqdo maadasha awooda iyo siyaasada Konfur Gabeed Somaaliay. Sakiin waxu ku can yahay siyaasad ku saleeysan khiyaano, been, ciyaal suuq, isdawomarin, iskudir iyo tugnimo. Waxu wax weyn u dhimay sumcada eey leyhiin asharafta oo lagu yaqaan nabad, wanaag iyo duco. Sakiin waxa ku haayo meesha oo danahooda fuliya: Mooryaanta iyo ciidan beeleedka beesha Hawiye – gaar ahaan Habar Gidir iyo seeydiyaashiis Murusada. Ayaga oo u shaqeeya, amar ka qaata, danahooda fuliya si awoodisa u meel mariyo. Waxu sakiin raali oga yahay in eey moryaantan si wataan barakicin, dhaca dhulka danta guud, caburinta shacabka iyo xalaalaysiga hantida shacabka Konfur Galbeed Somaaliaya. Waxa kale oo tageero ka hela Kenya iyo Itoopia madaama oo u adeego dabadhilifna u yahay. Runti, waxa doortay oo raba in eey “madaxweeyna” ka dhigaan Hawiye ka sakow dowladaha Kenya iyo Itopia oo istacmaalayo tankiyada cidamadooda.
    Oga danbeenti hadii shaqsigaan “sakiin” wax laga qaban Konfur Somalia guud ahaan iyo Sh. Hoose gaar ahaan waxay cagta la gali doonto jaha wareer siyasadeed, murugo iyo dhibaato soo gaarto shacabka ka dhashay aan qoraal noocaan oo kale ah marna lagu saadaalin karin.

  2. maskiiin hata koyey keerowa la i ere xagee ku jidhey 25 sano oo biyaha wabiga laga iibinaay hada biyaha horbad utahay ee iska aamus mooriyaanta adiga iska qaban waayey RRA na adigaa udiidey waligaba rer naareed cml eedley ku jir

Comments are closed.