Shabeelaha hoose…Maxaad isiin kartaa?

15
1916

Gobolka Shabeelaha hooseGobolka Shabeelaha hoose oo ah gobol ILLAAH ku manaystay dhamaan khayraadka dabiiciga ah noocyadiisa kala gedisan misna safka hore kaga jira wax soo saarka dalka Soomaaliya guud ahaan si gaar ahna wax soo saarka Beeraha,Bada,Xoolaha iyo Macaadinta dahan.

Gobolka ayaa waxa uu sidoo kale ahaa misna uu weli yahay gobolka labaad ee tirada dadka ugu badani ay kunool yihiin Caasimada Muqdisho ka dib halka uu sidoo kalena uu yahay gobolka ugu degmooyinka badan guud ahaan gobolada dalka kolka caasimada laga reebo.

Gobolkan Shabeelaha hoose ayaa waxa uu ahaa gobol taariikh dheer ku leh taariikhda dadka iyo dalka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Halgankii lala galay Gumaysiga,Fidinta Diinta Islaamka iyo Weliba wadanoolaanshaha iyo iswalaashiga.

Kadib dhibaatooyin isxigxigay oo gumaystihii reer Yurub oo kaashana Soomaali qabaan u ahayd ay u gaysteen shacabka gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa si halhaleel ah ugu kacay geesiyaal ka dhiidhiyay gumaysigii cadaa iyo Qabaantiisa Soomaalida ahayd Geesiyaashaash waxaan ka xusi karnaa hogaankii Saldanadii Digileed ee fadhigeedu ahaa Afgooye,Saldanadii Biyo-maal fadhigeedu ahaa Marka,Saldanadii jiido ee fadhigeedu ahaa Qoryooleey iyo sidoo kale Culimadii gumaysiga ka horistaagay inuu ummada Muslinka ah gaaleeyo sida Suufiyadii Axmadiyada ee Marka iyo tii Qaadiriyada Baraawe,Sidoo kale ayaa gobolku waxa uu ku caanbaxay dagaalka Siyaasadeed ee gumaysiga lala galay iyadoo dhismaha labadii xisbi ee ugu waaweyneyd dalka SYL iyo HSDM ee gumaysiga ka xoreeyay dalka ay hogaanka u hayeen shaqsiyaad kasoo jeeda gobolka sida Abdulqaadir Saqaawa-diinkii reer Barawe,Sheekh Cabdulaahi Begedigii reer Awdheegle.

Sidoo kale ayaa xoriyada ka dibna gobolka waxa uu u noqday Soomaalida mid manfaciisa wada deeqa misna lagu badbaadiyo kolka Abaaraha iyo Aafooyinka dagaal ay ku dhacaan shacabka Soomaaliyeed oo waxaa tusaale inoogu filan Dejintii iyo Badbaadintii shacabka gobolku u sameeyeen walaalahoodii Soomaaliyeed ee Abaartii Dabadheer ku habsatay gaar ahaa reer Sablaale,Kurtunwaareey,Dajuuma iyo Baraawe sidaa si lamid ahna gobolka waxa uu qaabilay in ka badan Halmilyan oo qaxooti kasoo jabay dagaalkii 77kii oo Soomaali iyo Oromaba lahaayeen waxaana dusha u ritay degmada Qoryooleey oo sedex xero looga ooday waxaana intaa u dheereyd dhalintii Qaxootiga oo la ciidameeyayna in Wanlaweyn lagu baxnaaniyay gaar ahaan xeradii Balidoogle.

waxaa intaa u dheereyd gobolka in lagu bixin jiray Tabarada habka nolol magaalo dadkii kasoo jabay gobolada dhexe iyo kuwa Waqooyi bari ee Soomaaliya sidoo kalena Shaqaalaha,Saraakiisha iyo Madaxda kolkay gaaraan da’da howlgabka uu gobolku lahaa mashruuc kooxdaas lagu siinayo dhul beereed ay beertaan si ay nolol wanaagsan waqtiga ugu dhamaystaan.

Inkasta oo aanu Maqaalkeenan aanu ahayn mid aan taariikhda gobolka kaga hadlayno ayaa waxaa hadana intaan yar u soo qaatay si Horudhac ah oo Akhristaha sharafta lihi uu u ogaado amaba uu dib u xusuusto kaalinta gobolka Shabeelaha hoose uu ku leeyahay Dowladnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Hadaba jiilka maanta jooga ee u dhashay gobolka ayaa waxay noqdeen kuwo baalmaray taariikhdoodii isla markaana gacantooda ku dilay dadnimadooda ina soo xusuusiyay maahmaah Soomaaliyeed oo leh”Dab Danbas ayuu dhalaa”waa dhab oo Soomaalidu Been waa sheegtaa balse Been kuma maahmaahdo.

Hadaba dadka intaan oo taariikh halgan Diimeed,Xoriyadeed,Siyaasadeed,Nololeed iyo Gargaarba lahaa in maanta sidii Tusbax go’ay intay u kala daataan beecinaayaan dhaxalkooda sow Cibaara Aduun ma aha?.
Guud ahaan dadka hogaanka u haya gobolka maanta magac iyo mansab kastaba ha sheegtaane waxay ka sinaadeen inay gacanta hoorsadaan oo ay hoosgalaan kooxo aan u turayn misna inta hartay kasii fara maroojin doona hadii uu ALLAH u bixinin rag.

Waa dhab oo waa Beec maanta gobolka Shabeelaha hoose oo weliba qiimihiisuna waa iidhiib intaad ii heli karto tana waxay keentay in cidkasta oo gobolka Xuduud la lihi ay meel ku oodatay caadaqaatayaal loo bixiyay Suldaano(Sulxaanyo),Xildhibaano(Xilmadhibaano),Siyaasiyiin(Dulaalo),Waxgarad(Doqomo) IWM.

Gobolka sida aan wada ognahay waxa uu xuduud la leeyahay gobolka Banaadir,Shabeelaha dhexe,Hiiraan,Baay iyo Jubada dhexe guud ahaan beelaha dega goboladaasi waxay dadaal u galeen misna intooda badani ku guulaysteen inay helaan kuwo Dhuunta wax ka arka oo kulamadooda u dhex fariista una nacamleeya oo qoraalo ay usoo diyaariyaan goobta kaga akhriya.

*Dhismaha maamul gobleedka Labada Shabeele.

Maamulka labada Shabeelle ayaa waxa uu soo baxay kadib kolkii lagu guul daraystay in ladhiso maamulka Ex-Banaadir sababo dastuuri ah dartood sidaa si la mid ahna heer gabagabo aan la filayn gaaray kulan Baydhabo ee Lixda gobol,Waxaana Beeca ku jira Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose Cabdulqaadir Siidii iyo Suldaanka Beeshiisa Gare oo iyaga doorbidaya in Abgaal ay isla yihiin Samaale,Beecuna waa sidaan soo sheegay ee Maxaad isiin kartaa?

*Dhismaha maamulgoboleedka Ex-Banaadir.

Waa dhisme maamul waqtibadan iyo weliba Juhdi aad u weyn lagu bixiyay Xiligii Madaxweyne Shariif Afgaduud balse daaqada ka baxay kadib kolkii loo waayay hogaan waxtar leh iyo weliba dhaqaale tiina ay uraacday qodob dastuuri ah oo caasimada siinaaya maqaam gaar ah oo ayan ka mid noqon karin maamul goboleed.
Waxaana horboodayay Qorbajoog kasoo jeeda beesha Tuni,Beecuna waa sidaan soo sheegay ee Maxaad isiin kartaa?

*Dhismaha maamul gobleedka Sedexda gobol.
Kadib kolkii uu Madaxweyne Xasan Garguurte si indho,dhego la’aan iyo Jahli ku jiro uu heshiis ula galay maamulka beesha Ogaadeen ee Juba,Shirkii Baydhabana boorka laga jafay ayaa Xasan Shiikh waxa uu bilaabay dagaal kaasi oo uu u adeegsaday koox uu horboodayo Shariif Sakiin kuwaasi oo wakaaladii Xasan Shiikh u dhiibay kula dhex wareegay saxaafad beeleedka Muqdisho hadana ogow beecan waxaa ku jira Shariif Sakiin iyo Salaadiin Digil ah Beecuna waa sidaan soo sheegay ee Maxaad isiin kartaa?

*Dhismaha maamul gobleedka Lixda gobol.

Waxay ahayd howsha loo galay dhismaha maamulgoboleedkan mid aan la aamini karin oo si gaabis ah u socotay kolkay taaba qaadayna waxaa u midoobay sedex ka mid ah Afarta qayb ee kale,Hayeeshee waxay heleen fursad waxayna soo bandhigeen furfurnaan iyo ogolaansha ay wax u ogol yihiin guud ahaan dadka dega KoonfurGalbeed taasina waxay siisay inay ka guulaystaan dhamaan kooxihii weertarka ku ahaa haatana waxay maraayaan heer gabagabo ah hadii ayan reer Mirifle ku dheelina inuu najixi doono waa la hubaa,
Shirkan iyo ka qaybgalkiisa waa uu ka gedisan yahay Shirarka kale kolka laga hadlaayo tala wadaaga iyo Beeca oo shirkan waxaa ku jira sedex beelood aad u culus oo kala ah Shanta Caleen,Bagadi,Biyomaal iyo Geledi,Beeca iyo gorgortankuna waxa uu marayaa heer Madaxweyne.

*Ku biirista maamul gobleedka Juba.

Fikirkan waa midka ugu cusub waxaana soo bandhigay Qurbajoogtii beesha Tuni oo horay ugu hungoobay Ex-Banaadir hadana ku dhexrafanaaya Maamulka sedexda gobol garawsadayna in aanu socon doonin si beesha isu asturtana waxaa ka gadan inay ku biirto maamulka beesha Ogaadeen ee Juba,Beecuna waa sidaan soo sheegay ee Maxaad isiin kartaa?

*Hiiraana waa Sugaynaa!

Kol hadii uu xaalka gobolka Shabeelaha hoose maanta uu sidan yahay ma waan la gaarin xiligii dhalinta dhulka dhaxalka u lihi ay dhacsan lahaayeen dhaxalkooda?!!

Abdiaziz ShSalah.

Wadajirradio@Gmail.com

15 COMMENTS

  1. lknse waxaad ka tagtay taariikhdii geesiyaashii reer gendershe islamarkana ahaa culimadii reer sh/hoose ayagoo ala ogyahay in biimaal iyo shiiqaal gendershe ay ahayeen kuwii u babac dhigay gumeystihii talyaaniga inuu marka iyo dhanka xeebaha ka soo galo ayagoo ku dagaalamay af iyo adinba qoraaga qorey maqaalkan waxaan u sheegayaa inuu isku taxalujiyo geesiyaalkii gendershe.
    Mahadsanid.

  2. asc sxb qoraalka aad ayaad ugu mahadsantahay waxaana moodaa in uu Siidii caadaqaate uu kaa xanaajiyay marka siidii iyo aynigiisa oo kale shabeelaha hoose kama jari karo K/Galbeed ee niyadaada qeer u sheeg siidii hawiye ayaa jeebka u soo buuxiyay waana arin iska cad markaad eegto hadalada uu ku hadlaayo ayaaba ah mid ruux caqli leh uu qaadan karo ama ruux damiirleh, siidii suldaankiisaan ahay ruuxa ugu horeeya oo arinkan damaanad qaadaayaan ahay ruuxkastoo isku daya inuu shabeelaha hoose faragalin kusameeyo aan ladagaalmi doono shabeelaha hoose waa dhul kamid ah K/ Galbeed waxaana leeyahay gare meelkastoo aad joogtaan waa inaad siidii qabataan hadaadan qabankarin waa inaad noo deysaan anaga aya gacan bira ku qabaneynee,

  3. asc sxb qoraalka aad ayaad ugu mahadsantahay waxaana moodaa in uu Siidii caadaqaate uu kaa xanaajiyay marka siidii iyo aynigiisa oo kale shabeelaha hoose kama jari karo K/Galbeed ee niyadaada qeer u sheeg siidii hawiye ayaa jeebka u soo buuxiyay waana arin iska cad markaad eegto hadalada uu ku hadlaayo ayaaba ah mid ruux caqli leh uu qaadan karin ama ruux damiirleh, siidii suldaankiisaan ahay ruuxa ugu horeeya oo arinkan damaanad qaadaayaan ahay ruuxkastoo isku daya inuu shabeelaha hoose faragalin kusameeyo aan ladagaalmi doono shabeelaha hoose waa dhul kamid ah K/ Galbeed waxaana leeyahay gare meelkastoo aad joogtaan waa inaad siidii qabataan hadaadan qabankarin waa inaad noo deysaan anaga aya gacan bira ku qabaneynee,

  4. asc dhamaan hawl wadeenada wabsetkan
    salan kadib caasimada gobolka shabelada hoose waa marka maxaad afgooye caasimada oogu sheegteen ood xidigta usaarteen ma idinkaa qaska bilaabaya dhulka waa dhulkiini hakala xigsanina xeerkana ha jabinina afdoye xorayn ayay ubaahan tahay ta maamulka gobolka wuxu raacayaa baay&bakool si goboladaa dakeb u helaan wsclm

  5. waxa aan aad ugu faraxsanahay in aanu helno qof sidaan wax ugu sheega dhinyaradeena oo fahamsiin kara meesha dul duleelaha ay jiraan hadab dadka aad soo sheegtey iyagab gobalka qeyb ayey ka degen yihiin waxa haboon in la fahamsiiyo fikirka ay wadaan in ay kabadan yihiin dadka kale ee ay isla degaan marka hadii ay ogaadaan in laga badan yahay waa in ay ay soo raacaan dadkooda yaan lagu degdegin in dadka gobalka colaad la dhexdhigo qabaailada deg afti haloo qaado meeshii loo bato xalka halaga raadiyo colaada halaga fogaado ayaan leeyahay teeda kale dhu;lka in laga xureeyo dadka soo duuley tasi wa muqadas aan lataaban karin dhalinta way kacdey cid ukala hareyso majiraan mucarad iyo muxaafadba dhulkaan marka hore gacata ha soo galo maamulna kii lagu hishiiyo ayuubaa ah maamulka lagu dheqaayo gobolka wixi naga khaladan aan ku saxno hadal degen aan cidna wax u dhibeynin waayo qabiil qabiilka kale ka roon majiraan dadka way usiman yihin degaanka cida iska leh oo dhan ee tashiyo badan halasameeyo culamad malaqyada wasiirada xildhibaanada dhalinta macaliminta duqoowda talada kaogdo dhamaan hala tashado dhilka haloo istaago angoo iskuduuban xureentiisa

  6. waa idin salaamey dhamaan rer konfurgslbed melkasto ay joogan waxaa sigaar ah uslameyaweriyasha shabakada daafeet waxaa si gaar ah ugu mahad celineyaa qoraaga waxaan leeyahay afka caano shayaadiinta allah kaa qabto munaafiqinta iyo aada qaatiyaalka oo aan isku kalsooneyna waxaan ugu baaqeya dhamaan rer konfur galbed in ay umidooban dalkoodi dintoodi qadiyadooda iyo jiritaakooda waan in ay umidooban codowga boobka wada waa in ay umidoban danta guud waa in ay umidooban caloosho ushaqeystiyaalka oo raban in ay digil iyo mirifle dhiigooda gataan w…q..

  7. dhman wan idin salamay salanta 114 qur gar ahan webka wa salaam.salan kadib marka hore gobolka sh.hoose waxa uu yahay waa laga soo sheekeeyay uma baahna wax kali qof waliba oo somali ah G.sh.hoose. inta ka dib aniga teeeda waxan oo maamul ah oo ka kooban 2 sh hoose maamulgoboleedka Ex-Banaadir iyo mamulka 3 gobol midka 6 gobol dhaman dhismaha maamulka goboledyadan waaa wax wanagsan horta mamulka ma xuma lakin waxa ka horeye diyaar ma unahay inan ka xoreno g.sh.shoose waa iiga su all gobolka aya iskali waxa soo harey waxa katashanayo dadka iskali gobolka markas racayo midka ayag dan u ah ama u arkan. mideeda kali gobolka sh.hoose maxay dowlado ugu sameen la dahay gobolka wax waliba oo rabo sida gobolka sh,dhexe ama sida hiiran mise wali kuma baarugin tasi waxay caden u tahay in gobalkan dan gar ah laga leeyahay aniga waxan dhehe laha c qadir siide waxa uu cabeeyay g.sh.hoose dhaman midas la socda gar ah beesha oo ka soo jeedo gare ninkas waxa gobalka u ah dowladi c lahi yusfuf hadii ey runta jirto gobalada dalka waxa lo magcaabay godoomiyi g. ku xigen amniga boliska nabad sugida tasi waxay waxa fahmi karo caqilka marka hurdada halaga kaco gobolka xasidkesa waa badan yahay maxa ino dan ah hadi an nahay dadka g.sh.hose dagn inan kwada shaqeyno gobolka mustaqbalkisa anaga oo wada jir ah dhman wll

  8. DM waxan u sheegaya iney ogaadaan in gobolka shabelaha hoose kaligood deganeyn oo lala deganyhay kadib afti loo dhanyahay haloo qaado meesha uu ku biiri karo ay isku raacaan, teeda kale Beesha Garre ayaa lagu cilcilinaa araakey ma ogtihiin Garre inuu dhiigiisa u daadiyye gobolkaas dartiisa si uu ugu xureeye habargidir cid ku gacan siiseyna jirin marka laga reebeo walalaha reer Bagedi. jabahadii DSA maxaa loo garab siin wayye markii ay ladagalameysey kuwa biyaha idinka gadi jirey . mirifli intuu bay iya bakool soo xureystey ayuu buurhakaba ku joogsadeen digil wax ay u qabteen malaha , digilkana markuu Garre u istaagey ladagalanka habargider waxey ku fiirsadeen kaligiis, wax badan ayaa fiican in la eego mahadsanidiin

  9. dadkoo isku duuban ayaa loo bahan yahay hada maxa laga yeelayaa gobalka ayey taagan tahay dadka haka tashadaano waa rayigeyga inta degta oo dhan ayaa quseeyo arinkaan libaax ayaan ahaa hada waxa ka roon mukulaal oo wax qaniineyso hadad danta halaga shaqeeyo wixi aad tahay markaasi ayey soo baxeysaa dagaalka haduu dhab yahay gobolka haloo xiiliyo

  10. Asc. Hadal badan waxa kawanagsan ficil.
    Digil iyo Mirafow dagalka Sh/hoose kakheyb khaata, cawiya walalihiina Bimaal.
    Afgoye waxa xaraan ku heysta Habargidir(Ceeyr), Dowladu raali ayey ugu tahay

  11. waxaan ku leeyahay kuwaan kasoo horjeeda gadoomiyaha golka waxaan ku dhahaa joojiya ficilkaas xun oo wax tari ma haysaan aan ka ahayn in la is xisdo ka jooga waxaas ma fiicana hadaad ka joogi waysaan wa la idin qabsana oo habartii baa meesha kugu sugeysaa inaad nacdaan kaligeed waxba ma tareyso

  12. wa idin salaamay dhamantiid
    walayaal waa la jooga qarni umaduhu ay kutartamayan ineey dayaxa dagaan kuna tashanayan boosaski ay ka helo lahaayeen ama ka dagi lahaayeen
    lkn adinka oo sheeganaaya isku af isku diin iyo isku dhaqan ayad hadana waxaad isku fahmi wayseen hal goboll oo intyiis abadani ay iska banan tahay oo meeshi aad hal mir ama hal xabo oo galeey ah aad ku abuurto uu iska soo baxaayo
    waxaad ka hadlaysaan wixi dalka soo burburiyay 23 sano in kabadan
    waxad wali afka ku haysaan reer hebel aan iska xoreyno
    ma ka fakarteen maxa xiga in aad rer hebel iska xoreeysaan maka fakarteen in rer hebel ay yihin walalahiin hadi ay shaalay qaldanaayeen in maantay la sixi karo
    mase ka fakarteen hadii rer hebel la iska xoreeyo inta wiiil ee ku dhimanaysa ama inta carruuuur oo ku agoomoobaysa
    miyuusan shaqayn caqligu miyaan lahelin odayaal wax garad ah w
    miyaan la dhihi karin walalka beerta ama guriga xoooga ku haysta walal ilaah ka baq oo ii dhaaf beertayda
    miyaan la iskucaqli celin karin
    walayaal dunidu wa ka gudubtay xiliigii rer hebel waxay maraysaa yaa igudan ah

  13. Maqaalkan xisa badan hal aa ka maqan. Sharif Sakiin se bow isku magacaabay in oo yahay “madaxweynaha” koonfur galbeed Somaaliya iskuna darsaday degmooyinka Shabeelada Hoose, Bay iyo Bakool. Ma lees waydiyay sida eey u suuragashay qof aan ka tiirsaneen qabiil aan hubeesneen (Asharaaf) ino manta iyo labaatanki sanad ee uga danbeesi in oo sidaan uga dhax muuqdo maadasha awooda iyo siyaasada Konfur Gabeed Somaaliay. Sakiin waxu ku can yahay siyaasad ku saleeysan khiyaano, been, ciyaal suuq, isdawomarin, iskudir iyo tugnimo. Waxu wax weyn u dhimay sumcada eey leyhiin asharafta oo lagu yaqaan nabad, wanaag iyo duco. Sakiin waxa ku haayo meesha oo danahooda fuliya: Mooryaanta iyo ciidan beeleedka beesha Hawiye – gaar ahaan Habar Gidir iyo seeydiyaashiis Murusada. Ayaga oo u shaqeeya, amar ka qaata, danahooda fuliya si awoodisa u meel mariyo. Waxu sakiin raali oga yahay in eey moryaantan si wataan barakicin, dhaca dhulka danta guud, caburinta shacabka iyo xalaalaysiga hantida shacabka Konfur Galbeed Somaaliaya. Waxa kale oo tageero ka hela Kenya iyo Itoopia madaama oo u adeego dabadhilifna u yahay. Runti, waxa doortay oo raba in eey “madaxweeyna” ka dhigaan Hawiye ka sakow dowladaha Kenya iyo Itopia oo istacmaalayo tankiyada cidamadooda.
    Oga danbeenti hadii shaqsigaan “sakiin” wax laga qaban Konfur Somalia guud ahaan iyo Sh. Hoose gaar ahaan waxay cagta la gali doonto jaha wareer siyasadeed, murugo iyo dhibaato soo gaarto shacabka ka dhashay aan qoraal noocaan oo kale ah marna lagu saadaalin karin.

  14. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Abdi asis waxaad ilowdey boqortooyadii reer Duube Digil ee fadhigeeda ahaa degmada GALWEYN taas oo runtii buddhig u ahayd ka difaacida cadowga gobolka shabeelaha hoose beelaha dega gobolka waxay u qaybsanaayeen dhow iyo dhiib maanta dhaqankii hore waa la diidey maanta labaduba Duube Digil ayaa isku qaatey ee faataxa nagu soo kaalmeeya mar dhow gobolka waan xoreyn doonaa”inshaa Allah”

Comments are closed.