Kulanka Golaha Wasirada oo Maanta Lagaga Hadley Dib u Eegista Dastuurka iyo Amniga Dalka

0
26

wasiradaGolaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

Kulankan ayaa maanta waxaa lagaga hadlayey xaaladda amniga dalka iyo geedi socodka dib u eegista Dastuurka.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, ayaa sharaxaad dheer ka siiyay golaha geedi socodka dib u eegista Dastuurka iyo guulaha ay rabto inay gaarto dowladda Federaalka sanada 2016, waxa uuna soo bandhigay jadwal waqtiyeysan ee howsha dib u eegista Dastuurka.

Golaha Wasiirada waxa ay ka wada hadleen qodobada lagu xusay mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha ee horyaala Baarlamaanka, waxaana la isla qaatay in la saxo wixii khaladaad ah ee jira, iyaga oo u xil saaray guddiga siyaasada iyo guddiga dhaqaalaha ee golaha wasiirada, si ay talo kama dambeys ah uga keenaan.