“Sheikh” Axmad “Madoobe” – “Shariif” Xasan “Sakiin” – Laba isdooratay.

0
68

shariif sakiinWaxaa horta lagama maarmaan ah in la hubsado sida loo dooratay Axmad Madoobe iyo sida oo u gaari heer oow isku magacaabo in oo yahay “madaxweynaha” Alto Juba, Baaso Juba iyo Gado oo lees racsiiyay. Runti waxa la dhihi kara in eey doorateen oo  eey “madaxweeyne” ka dhigtaan madoobe dowladaha Kenya iyo Itoopia ayago istacmaalayo awooda tankiyada cidamadooda sida eey u fushadaan danaha eey ka leyahiin Somaaliya.  Inta waxa raacdo, indha adeegisa asiga oo mar kale si sharci darro ah isku soo sharaxi ino noqdo “madaxweyne” oo been ah marki eey ku yaraati jagada qabqable dagal ee maliishiyada Raskombooni. Baarlamaanka oo Mr Madoobe sheegaayo in eey ka dhigeen madaxweynaha “Jubbaland” iyaga aan sharci eheen oo maxay doortaan madaxweyne. Cidna shaki ugama jira barlamaanka xaranta ah oo mar hore oo sameestay sanadki 2015 Mr Madoobe in oo yahay tiyaatar konsheertooyin lagu sameeyo. Somaalida waxey ku maahmada “Hal xaaraan ah nirig xalaal ah ma dhasho”.  Axmad madoobe riyo maalmeed oow ku noolyahay, shacabka Jubooyinka iyo Gedane sida tariikhda  ku cad marne ma ogalaanin gumeeysi shasheeye. Wa arin oo xasuus tariikheed mudan ee loola yaabo in qarniga lagu jiro Kilinka shanaad ee Itoopia iyo maliishi beleed ka soo dhushay waqoyi galbeed Kenya in manta damceen Kismaayo, Saako iyo Garbaharey in eey xoog ku xukumaan. Waxey dadka is weydinaayan maxe horta dhulkooda xurestaan.

Madoobe: – Is xasuusis kooban.

  • Waxu ka tirsan yahay ama ka tirsanaay ururaada seef la boodka ah ee diinta Islaamaka ku qaraabto sida: maxakiinta Islaamaka, xisbul Islam iyo alshabaab.
  • Ma ka tirsana dadka deegaanka Jubooyinka ama Gado ka dhashay ee wuxuu ka yimid meel kabaxsan xuduudka rasmiga ah ee Somaaliya.
  • Waxu iloowi in dadka leh, daganaan jiray wiligood, kana dhashay dhulka iyo degaanada oo rabo in oo boobo, aanan marne ogolaaneynin in dhulkooda lagu gumeesto ee taarikhda ha ku noqdo.
  • Waxu hilmaamay in Kilinka shanaad oow asiga ka dhashay iyo magaaladiisa Jig Jiga in wili gumeysiga Tigreeda ku jiraan. Shaqo halkaas eey ka banaantahay, markaa horta ha iso xureeyo. Kismaayo waa xor umana baahna dabadhilif Amxaro iyo Kenya u adeega.

Wa nasiib daro, Kismaayo iyo Jubooyinka marba waxa qabsada oo so damca qabiilo aan deegaanka u dhalan. Laakin taasi hada wey dhamaatay. Maleeshiyada ogadenka Kenya iyo Itopia ka dhashtay ayaga horta ha is xureeyeen oo shaqa sugeeysa. Waa in dadka deegaanka ka dhashay maamul xalaal ah ayaga sameestan, maleeshiyada beelaha soo duushina laga saaro Jubooyinka. Kismaayo waxey ka tirsantahay Soomliya, Kenya iyo Itoopia shaqa kuma laha Soomaaline dawlad beey leedahay marka qabiil qaxootiy ku yimid marne ma gumaysan karo degaano ka tirsan dalka. Marka ha ogaadeen in eey qabiiladi ka dhashay gobolka weli dagan yahiin hana ogaadeen in xoog qabil oo musaafiris lagu keenay ku qabsan kariin xata hadi  Kinyaati iyo Tigre hori uso wato.

Axmad “madoobe” waxa ka horeyay Sharif Sakiin oo asne si sharci dara isku magacaabay in oo yahay “madaxweynaha” koonfur galbeed Somaaliya iskuna darsaday degmooyinka Shabeelada Hoose, Bay iyo Bakool. Ma lees waydiyay sida eey u suuragashay qof aan ka tiirsaneen qabiil aan hubeesneen (Asharaaf) ino manta iyo labaatanki sanad ee uga danbeesi in oo sidaan uga dhax muuqdo maadasha awooda iyo siyaasada Konfur Gabeed Somaaliay. Sakiin wxu ku can yahay siyaasad ku saleeysan khiyaano, been, ciyaal suuq, isdawomarin,  iskudir iyo tugnimo. Waa aduun gadoon Waxu wax weyn u dhimay sumcada eey leyhiin asharafta oo lagu yaqaan nabad, wanaag iyo duco. Sakiin waxa ku haayo meesha oo danahooda fuliya:

  • Mooryaanta iyo ciidan beeleedka beesha Hawiye – gaar ahaan Habar Gidir iyo seeydiyaashiis Murusada. Ayaga oo u shaqeeya, amar ka qaata, danahooda fuliya si awoodisa u meel mariyo. Waxu sakiin raali oga yahay in eey moryaantan si wataan barakicin, dhaca dhulka danta guud, caburinta shacabka iyo xalaalaysiga hantida shacabka Konfur Galbeed Somaaliaya. Wa wax lagu qoslo marki oo Shariif-Sakiin 5-wasiir seediyaladiis (Beesha Hawiye) oo u magacaabay dhismaha golaha wasiiradda been beenta gobolka oo madaxweyna isku magacaabay.
  • Kenya iyo Itoopia madaama oo u adeego dabadhilifna u yahay. Runti, waxa doortay oo raba in eey “madaxweeyna” ka dhigaan Hawiye ka sakow dowladaha Kenya iyo Itopia oo istacmaalayo tankiyada cidamadooda.

Waxu Sakiin oo magacyo badan leh (SS – Shariif Shedaan, Shariif Sixiroole, Shariif Shar..) meel oga dhacay oon marne lagu cafi kariin dhaqanka suuban ee soo jiraanka ah ee lagu yaqaan qowmiyada daga Koonfur Galbeed Somaaliya. Xariif Sakiin waa shaqsay oo aan damiir, sharaf iyo karaama toona laheen.

Oga danbeenti hadii labadaan shaqsi “madoobe” iyo “sakiin” wax laga qaban Konfur Somalia waxay cagta la gali doonto jaha wareer siyasadeed, murugo iyo dhibaato soo soo gaarto shacabka ka dhashay aan qoraal noocaan oo kale ah marna lagu saadaalin karin.

Burfuule Gaabow

Mr.Burfuule@yahoo.co.uk

Masawirada hoos aya ka cod dheer qoraalka

sakiin

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

shariif sakiin