Daawo:-Madaxweynaha Dowlada Federalka oo Markii Ugu Horeysey ka Hadley mooshinkii Shaley laga Gudbiyey

0
36

xasan sheekhMadaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ka hadlay Mooshin ka dhan ah oo ay Xildhibaanno Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka tirsan ay maanta ka gudbiyeen, isagoo sidoo kalena ka Warbixiyay Marxaladda dalku uu marayo, sida siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Xasan Sheekh oo Warbaahinta kula Hadlayay Xafiiskiisa ayaa Sheegay inuu ka War-hayo warar sheegaya in koox xildhibaanno ah oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay diyaariyeen mooshin isaga ka dhan ah, isagoo xusay in waqtigan la joogo baarlamaanka looga baahan yahay inuu diiradda saaro hawlaha muhiimka ah ee Horyaalla.

“Markii Dowladda ay Talada Qabatay Sannadkii 2012-kii, Gacanta Dowladda Waxaa ku jiray deegaanno kooban, haatanna waxay Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya AMISOM ay ku guda jiraan soo dhicinta goobaha yar ee weli ay ku harsan Gacanta Al-shabaab.Baarlamaanka iyo laamaha kale ee dastuuriga waxay qabteen hawlo badan oo la taaban karo waxaana Baarlamaanka iyo Xukuumadda horyaalla hawlo muhiim u ah meel-marinta Hiigsiga 2016. Muddadaas yar ee aan haysano kuma filna inaan is-qabqabsi iyo waxyaabo aan dan u ahayn shacabka ku mashquulno,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa intaa raaciyay in horumar muuqda laga gaaray hirgelinta hanaanka Federaalka & baahinta Maamulka, dhawaana Magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiska Dhismaha Maamul loo Sameynayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Gabagadii ayaa Xasan Sheekh ayaa xusay inay Somalia horey u dhaqaaqday, isla markaana Horumarka la gaaray aan loo hakin doonin Carqalado ama Dibin-daabyo ay la yimaadaan kooxo yar oo aan u daneyneyn maslaxadda shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed.