Aqriso Go,aanadii Kasoo Baxay Kulankii Ay Shaley soo Abaabuleen Ururka Golaha Qorba joogta Koonfur Galbeed

0
25

SOUTHWEST DIASPORA CONGRESS

 Date 9-8-2015

Ujeedo:- Wargelin

SSDCKulan maanta ay isugu yimaadeen xubnaha Ururka Golaha Qorba joogta Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada sida odayaasha, saraakiisha, aqoonyahanada, haweenka, iyo Dhalinyarada ayaa manta lagu qabtey qadka telfoonka.

Dadkii kasoo qeyb galey kulankan ayaa waxaa ay qadka telfoonka kasoo wada tiigsadeen dhamaan 5ta qaaradood ee aduunka sida North America, Australia, Yurubka, Africa iyo Dawlaha Qaliijka.

Qeybahan kalan duwan ee bulshada ee ku kulmey qadka ayaa waxey is dhaafsadeen aaraah ku saabsan sida ugu haboon ee loo badbaadin karo guud ahaan umada koonfur galbeed gudaha iyo dibadaba, Ayadoo laga duulaayo marxalada adag oo ay maata ku sugan yihiin shacabka koonfur galbeed.

Kasoo qeyb galayaasha waxey si dheer isugula meel dhigeen qaabka ugu haboon ee lagu gaari karo badbaadinta umada reer koonfuur galbeed iyo samatabixinteeda.

Gabagadii kulanka ayaa waxaa la isku raacey 5 qodob oo ay u arkeen in ay muhiim tahay in la meel mariyo qodobada soo socda.

1- In ururka uu hirgaliyo miisaaniyad lagu fuliyo hawalaha hor yaal ee fulinta u baahan

2- In kulanka baydhaba haatan ka socda ee lagu soo xulaayo baarlamaanka in guud ahaan awood qeybsiga ay ku sameeyaan qaab deegaan, Sidoo kalana ayen baarlamaank qeyb ka noqon dadka aan u dhalan deegaanka.

3- In lala wadaago dhamaan heyadaha iyo wadamada iyo ururada daneeya arimaha somaliya oo ay ugu horeeyaan sida UN, EU, USA, Jamacada Carabta iyo Igad xaqiiqda ka jirta gudaha deegaanada koonfur galbeed si shacabka dareenkooda loo ogeysiiyo.

4- kulanku wexey isla garteen qireen in loo baahan yahay isbedel siyaasadeed oo dhab ah si loo hubsado badbaadinta shacabka konfru galbeed.

5- Wexey kaloo isla garteen in doorkii wacyilineed ee bulshada inuu aad u hooseeyo islamarkaana loo baahan yahay In la helo Radio iyo Television dadka lagu wacyi geliyo.

 

Chair Southwest Diaspora Congress

Abdullahi Hasan Adan Garam Garam

 

Hal ku dhigeenu waa Midnimo, Awoodsiin Iyo Isbedel