Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Maanta Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ka Gudoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Kenya

0
25

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka gudoomay Safiirka cusub ee dowladda Kenya.

Muqdisho, July 23, 2015 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta kaga gudoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Maj. Gen. (Rtd.) Lucas Kyonze Tumbo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga iyo Safiirka cusub oo shir jaraa’id wada qabtay ayaa waxa ay xuseen horumarka uu gaaray xiriirka taariikhiga ah iyo midka derisnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa xusid mudan in Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu si rasmi ah u bilowday December 11, 1963.
Soomaaliya ayaa waxaa kala dhaxeeya Kenya xiriir dhinacyo badan leh oo ku qotama iskaashi wadaag ah .
Dowladda Kenya ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo hab wadaag ah kula shaqeeya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya (XDS).