Wasiiradii Beelaha Mirifle ee Maamulka Shariif Xasan oo Isbaarooley Isku Badaley

19
29

Degmada afgooye oo ka mid ah degmooyinka ugu qanisan gobolka shabeelaha ayaa maalmahan waxaa si aad ah ugu soo batey isbaarooyin xad dhaaf ah kuwaasoo markii hore ay u yiileen beelaha habar gidir iyo abgaal ayaa waxaa hadana kusoo darsamey qaar ka tirsan wasiirada maamulka shariif xasan oo dhamaantood kasoo jeeda beelaha mirifle.

Isbaarooyinka ayaa sida aan aqbaarta ku helney waxaa ay yaalaan

# Mukeyga afgooye waxaa isla yaala illaa Lix isbaaro.
# Baar Ismaaciil waxaa isla yaala Afar isbaaro.
# Boodboodka waxaa isla yaala Labo isbaaro iyo Shanta Golaha Sare oo Hal isbaaro ah, oo intaba u wada yaala Wasiiro ka tirsan wasiiro kasoo jeeda beelaha mirifle oo uu kol dhow magacaabey Shariif Xasan wexeyna kala yihiin.

1. Isbaarooyinka C/raxmaan Ibraahim Aadan “Sate” Wasiirka Gudaha ee Mirifle/Xariin: wuxuu dhigtey Laba oo kala yaala Mukeyga Afgooye iyo Baar Ismaaciil, isbaaroyinkaan oo uu ugu magacdarey “Dowlada Hoose” taasoo wixii dakhli ah oo kasoo baxa uu isaga qaato, qiyaastii lacagta kasoo xaroota waa 45,000,000 Sh. So oo udhiganta $2,000/day

Waxaa intaas usii dheer isbaaarada Geelka oo ah isbaaradii ugu horeysay oo loo dhigto Xoolo nool, taasoo jirta 3 Habeen oo kala ah Habeenka Sabtida soo galeyso, Habeenka isniinta soo galeyso iyo Habeenka Arbacada soo galeyso iyadana waxaa kasoo xaroota ugu yaraan 50,000,000 Sh. So/ habeenkiiba, waana 150,000,000 Sh. So per Week oo udhiganta $6,818 waxaana Leejada u qaada laba nin oo la kala yiraahdo Mukhtaar Xariimow iyo Cumar Macalin Waanjeelow oo labadaba Baydhabo laga keenay halka wiilashii Sh/hoose ay Shaqada loo diidey, intii horey u shaqeyn jirteyna laga eryey Shaqada taasoo keentay in AlShabaab dib usoo noolaato madama ay helayso dhalinyaradaas Shaqada laga eryey.

Waxaa lagu xasuustaa C/raxmaan Sate inuu yahay Shaqsigii ugu horeeyey oo isbaaro udhigta Xoolaha nool ee wadada maraya inta la ogyahay Soomaaliya.

2. Isbaarooyinka Xasan Ibraahim Lugbuur wuxuu dhigtey 3 isbaaro oo uu ugu magacdarey Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Maaliyadda Mirifle/Luwaay.

Waxaa u yaala illaa 3 isbaaro oo kala yaala Mukeyga Afgooye, Baar Ismaaciil Afgooye, iyo Shanta Gollaha Sare Lafoole oo lagu qaado Leejada Jaadka Sh/hoose lageeyo oo idil, Saddexdaan isbaaro maalintii waxaa kayimaada 120,000,000 Sh. So oo u dhiganta $5,454, lacagtaan waxay si toos ah ugu dhacdaa Account ka Wasiirka, waxaana lacagtaan u qaada Maxamuud Daahir Faarax Qooley oo HabarGidir Saleemaan ah iyo Xasan Xawaad oo Xawaadle ah.

3. Isbaarooyinka C/laahi Aadan Axmed Black waa Wasiirka Gaadiidka ee Mirifle/Hadamo, waxaa u yaala Labo isbaaro waxayna kala yaalaan Mukeyga iyo Baar Ismaaciil waxaa kasoo xaroota Labada isbaaro 30,000,000 Sh. So. Maalintiiba oo udhiganta $1,363 maalintiiba, waxaana galabtiiba Account kiisa ugu shuba nin layiraahdo

4. Isbaarooyinka Maxamed C/laahi Mursal waa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mirifle/Asharaaf, waana Hogaamiyaha Xarakada Al-islaax Al-islami garabka Damul Qadiim ee KGS.

Waxaa u yaala Labo isbaaro oo loogu magacdarey “iskaashatada Gaadiidka” waxayna kala yaalaan Mukeyga Afgooye iyo Boodboodka oo Baar Ismaaciil u jirta 1.5KM, waxaana maalintii uu kahelaa 35,000,000 Sh. So oo udhiganta $1,590 maalintiiba, lacagtaan Mursal waxaa uga wakiil ah nin layiraahdo Daahir Shariif isla galabtiiba Acount kiisa ayuu kutuurtaa, mana jiro wax ladhaho iskaashatada oo lacag qaada

5. Isbaaarooyinka C/fataax ibraahim Geesey: waa Wasiirka Amniga ee Mirifle/Leysaan waxaa u yaala Labo isbaaro oo lagu Magacaabo “Taraafiko” waxayna kala yaalaan Mukeyga Afgooye iyo Baar Ismaaciil Afgooye, waxaana kasoo xaroota maalintiiba 25,000,000 Sh. So oo udhiganta $1,136 Maalintiiba.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaad moodaa in gobolka shabeelaha hoose dhibkii hore u heystey mid kale loogu soo darey taasoo odayaasha iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan degmada afgooye ay iska indha tireen.

19 COMMENTS

  1. Waan ku faraxsanahay xaqiiqda wararkaa oo kusaleysan runta waarun aad baan u gu xumahay waan habal yeeleenaa shabakada DAAFEED.com

  2. runtii war bixintaan waan la yaabay hadayba sidaa ahaan lahed way fiicnaan laheyd mirifle aad shegeysaan iyo digil waxba gacanta uguma jiraan meesha hawiye ayaan gacanta ku haya beentana ma fiicna riyadaas 2020ka iyo wixii ka dambeeya ha inoo ahaato ee war xaqiiq la imow

  3. Waa mahadsantihiin shaqaalaha iyo maamulka shabakada daafeed lkn aniga waxaan ku darayaa waa dad istaahila reer shabeelaha hoose in saas layeelo hadii ay wàx iska dhicin waayaan habar gidir iyo dad kaleba wey dhici jireen ee miriflahaaba roonee dhaafa hadhacaanno

  4. awal marki ay qaadaneyen habargider abgaal muransade xawaadle gaaljacel kama aadan hadleynin hada maxaad ugu hadashey walalka baad wax u quuri la dahay hasidnimo alla illaahow na cafi aamiin

  5. Adinka isbaaro waad dhigan weeydeen dhulkiinina waad xukumi weydeen waa in la idinku xukumaa afgooye. Xadii aan nahay mirifle waan idinla degnaa saasi ogaada

  6. Adinka isbaaro waad dhigan weeydeen dhulkiinina waad xukumi weydeen waa in la idinku xukumaa afgooye. Xadii aan nahay mirifle waan idinla degnaa saasi ogaada waxaan rabnaa in aan idinka dhicino dad aan digil iyo miriflaha axeeyn

  7. wax badaan baan idin shegne in Rerwin ay aheyn umad wax lugu darsado. Imandaridod way ka xuntahay tii Habargidir. Binti Calankis

  8. aad ayaa la idiin gumaystay shabeelada hoose .
    talooyin aad iskaga dhicin kartaan dhibaatada waxaa ay tahay in aad keen taan dhalin yartiina in ka badan 30000 (sodonkun ) oo aan tababar u furo si ay ula dagaalamaan dhamaan qaybaha ku meeraysanaya shabeelada hoose meelkasta oo uu yahay ka dibna aan wadada banaysano
    dad bilaa dhiiga ayaad tihiin
    hadii aad in taa keeni waydaan waxaad la kulmaysaan adoonsi soconaya ilaa 2060 markaa oo calanka adoonsiga la idiin samayn doono waana hubaa

  9. Horta Cumar waanjeel, waan ka xumahay sida aad u hadasheen adiga iyo inta kula halmaasho, ileen doqon waa doqon marka aad leedihiin waan idinla degnaa ma waxaad isku raacsan tihiin Duuga nimada iyo Qayaanada ogow wax walba aad qaadataan ama aad dhacdaan idinka Tuugsi leed ku jirtaan mana la arag Nin Digil Tuugsanaayo Taariikhda Soomaali marka hadaad Tuugo nimo ku darsateen illaah ha idin Deeqo. Dadka Wasiiradda isku sheegaayoow magaciina illaashada reer Afgooye wey idin soo dhoweeyeenne Daarood iska celiya annaga Hawiye si kasto uu inoo dulmiyo wax uu faa’iido ku keenaayo majirto weligiis xukun uma hagaagaayo oo waa Habaaran yihiin ee Ceelaay isu cabsada tuugsigiina ku dhameysta ilaa cimrigiina annaga wixii na dhaco iyo wixii kaleba dhulkeena kama Qixin ama Tuugsano sideeni leen nahay ee idinka marna dhaxa wallaalo ayaan nahay marna sidan u hadla Digil waa sidiisii ee Hit the Road

  10. waxaaba calool xumo ah reer shabeelaha hoose dhulkoodii in uu isbaaro iska dhigtoo habargirir iyo abaagaal ee hada hadii aydhigteen isbaaro reer shabelaha hoose iyagaa iska leh dhulkoodii

  11. kadaroo dibi dha miyay noqotay arimta hawiye waanba kutala jirnay saan iskaga celin lahayn Miriflaw maxaad culayskii culays iigu sii dartay anaaba usocday hawiyaha sii wii qayay adiga waad igu soo noo laysay ee waxaan kuleyahay Mirifle Qaabka aad wado hadaadan joojin waad ka shalaynaysaa

  12. waxaanba xalaal kudhisnayn wasiirada aad ka hadlaysaan hal nirig Xalaal Ma dhasho ee Hasugina Wasiir aan xalaal ahayn aan ognahay qaabkay kuyimaadeen in aad kasugtaan Wadaniyat iyo kal gacayl Walaaltinimo ee Miriflahaba waa kii 30ka qof maalin walba liisla duugi jiray hadana qoriga qaatay adinkana qoriga qaata ee dadka iska dhiciya hatuuktamina.

  13. Masha Allah waa hadal lagu farxo waayoo waa dhulkooda cidna kama xigta hawiyaba wey utalayee maxaa looga hadli wayay calashan wuu ila dhashay waaye miya nagataga wax dhintay ayaa tihiin tani isbaaro ma aha wiilasha qoraxda fadhiya ayaa lagu qudinaya adiga gerida waat kabaqday lakin rag faca oo kula dhashay ayaa diyaar u ah aamusa fadlan

  14. Cumar wanjee af caytamay ninkiisa ayu ku yaalaa Afgooye dad la gumeestay ama horay laso gumeestay ma joogan tahriiqada dib u baar afgooye waxaa dagan saldanada galedi oo konfurta somaliya dhan ka talin jirtay . Lkn adiga habargidir tan ay kugu dhigtay waan lasocone inta god lagugu shubo ayaa lagu gubi jiray.habargidir shebalaha hoose hadey jogta xitaa aniga maamul iguma heysato deegankeyga aniga ayaa xukuma .mida kale hadaan nahay digil xaal qudato ayaan nahay oo waligeyna dad ma dhicin dadna ma dulmino lkn adiga hada ku fanaayo dulmiga iyo dhaca xoolaha muslimka waxaad ka hesho ayaad leedahay ee dad walaalo ayaan .nahay aflagaado iyo cay nagama dhaheyso is daba qabo

  15. horaa loo yiri hal xaaraan ah nirig xalaal ah ma dhasho ninka cumar waanjeel la dhoho waxa uu qirtay un asigabo xaaraan laguso koriyay sababtoo eh qof xalaal quudato ah xaaraan uma hiliyo. Mida xigta dadka u hiiliniya isbaaroiyinka dagmada laso dhigtay iyo mooryanta so dhigatay waxan u shegaya in wadadii ay mareen kuwii ka horeyay inay mari doonaan ku bisharesta afgoye cid walbo laqdawo ku sameysa ama dulmi in allah sw uu abaalmarintiisa siin doono ha dhawaato iyo ha dherato

  16. war waxaan meesha lagu soo qorey waa been..daafeetnews ma saan baad keenteen ..inaad digil oo doqon ah aad ku dirtaan walaalahooda mirifle miyaad bilawdeen ,yaa shaqadaas idin dirsadey habadgidir miyaa..kk

  17. Xasan, Runta haddaan kuu sheego Daafeetnews been ma sheegto. Habargidirna laaluush kama qaadato taarikhda dib u raac Daafeetnews waa Digil Digilna xaaraan ma cunto mana la iibsan karo waa dad ilaa hadda dhulkooda degan oo aan xero Qoxooti lagu arking sida dadka aad difaaceyso uma dhaqmaan oo dhulkooda kuma doorsadaan Lacag ee waxaan waa wax xaqiiq ah lacagta ay aruursadaan Mirifle am Wasiirada Mirifle waa wax sax ah. Mana dhixi kari Mirifle oo dhan ayaa xun laakiin Mirifle Wadani ma ahan sidaasi u ogow. Haday wadani yihiin Lacag intey qaataan 6 Gobol ma burburin lahay ee annaga hadda runta ayaan sheegeynaa aniga ayaana og ragan isbaarada u taalo ee fadlan difaaca dhaafa reer tuugsi haddaad tihiin

Comments are closed.