Saaraakiisha Ciidanka Dowlada oo Ka warbixisey Xaalada Guud ee Degmada Baardheere

0
24

Saraakiisha ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay xaalada amaan ee degmada Baardheere oo maalintii shalay ay la wareegtay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Dowlada ee gobolka Gedo Col. Cabaas Ibraahin Gureey oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegey in xaalada guud ee degmada Baardheere iyo waliba sida ay ula wareegeen ciidamada Dowlada oo gacan ka helaya ciidamada AMISOM.

Col. Cabaas ayaa sheegay in dhowr jiho ay ka weerareen degmada Baardheere,islamarkaana ka hor inta aysan soo gaarin degmada xoogaga Al-shabaab oo halkaasi sanado badan ka ariminayay isaga baxeen.

Wuxuu sheegay Taliyaha Ciidamada Gobolka Gedo in hada ay wadaan qorshe ay ku adkeynayaan amaanka degmada Baardheere ee gobolka Gedo,islamarkaana kulumo ay la leeyihiin Waxgaradka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan si ay ugala hadlaan sugid amniga iyo wada shaqeyn dhexmarta maamulka cusub iyo Shacabka.