Wasiir katirsan Maamulka Shariif Xasan oo u Dhaartey Wasiiro Kasoo jeeda Gobalka Sh/hoose

3
27

Warar lagu Kalsoon yahay oo aynu kahelnay Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in malmahan ay kushirsanaayeen Magaalada Muqdisho Wasiiro ka tirsan Maamulka Shariif Xasan oo kasoo jeeda Gobalka Sh/hoose.

Wasiiradaan ayaa kulankooda waxaa ay diirada kusaarayeen xaalada murugeysan ee ka jirta Gobalka Sh/hoose taasoo ay sii xoogeysatey tan iyo markii uu Shariif  Xasan Maamul u magacaabey qaar katirsan Degmooyinka Gobalka Sh/hoose isagoo ku naas nujinaayey kooxihii 25-kii sano ee lasoo dhaafey Gumaadka ku hayey Shacabka Sh/hoose iyo kooxo kale oo kasii arxan daran Kuwii hore.

Mid ka mid ah Wasiirada Shariif Xasan oo lagu Magacaabo Aadan Xasan oo ku magac dheer “Osaama” kana mid ah Dadka aad ugu qabqableeya Shariif Xasan oo ka war helay inuu kulankaasi ka socdo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku wargeliyey Shariif Xasan in qaar katirsan wasiiradiisa ay ku hsirsan yihiiin magalada muqdisho.

Wergelinyaasi ka dib ayaa ninka lagu magacaabo Adan xasan ( Osama ) waxaa uu bilaabey in uu u hanjabo kooxihii ku shirsanaa magalada muqdisho isagoo ku tilmaamey iney yihiin qaran dumiska koonfur galeed taasooo ay la yaabeen wasiiradaas.

Si kasataba arintu ha ahaatee ninkan u hanjaba waiirada maamulka shariif ayaa waxaa uu ilowsan yahay in wasiiradan ay ay xaq u leeyihiin in ay matalaan goboladood sidey doonanba haku yimaadeene  islamarkaana aysan aheyn in ay amar ka qaataan Shariif Xasan ama wasiir aan aqoon xilka uu hayo waxa uu yahay.

3 COMMENTS

  1. Walee waa yaab Aaden Xasan Osaama, waan aqaan waa Dameer xun oo Dabadhilif u ah Shariif Sakiin iyo Mooryaanta Hawiye, waana Qaa’inul Wadan Tuug ah

  2. Waan ku faraxsanahay marka hore wararka DAAFEED marka xikto waan kaxumahay hanjabaada loosoojeediyey dad katashanaaya aayahooda . WAAGUNEESI CUSUB mahad sanid agaasine

  3. Mahadsanidiin shabakada daafeed reer shabeelaha hoose ayagoon qoriga qaadan dhimashana diyaar unoqonin inaan laga deyneynin dilka iyo hanjabaada

Comments are closed.