Madaxweynaha Dowlada Federalka oo Maanta Khudbad Ka Jeediyey Shirka Maalgashiga Ee Ka Furmey Dalka Itoobiya

0
20

xasan sheekhMadaxweynaha dowlada federalka Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Maalgashiga Horumarinta oo maanta ka furmey magaalada Addis Ababa, ee dalka Itoobiya.
Shirkan oo ay soo Qaban-qaabisey Qaramada Midoobay, ayaa Waxaa si Rasmi ah u furay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadiisa kaga hadlay Arrimo dhowr ah oo la Xiriira horumarka caalamka, qaaradda Afrika iyo Somalia, isagoo sheegay in muhimada koowaad ee shirkan ay tahay fursadda loo helayo in laga doodo sidii dalalka caalamka looga taageeri lahaa inay gaaraan hadafyadoda dhinaca horumarka oo dhameystiran.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusey in loo baahan yahay in Waddamada ka soo kabanaya colaadaha il-gaar ah lagu eego. Isagoo intaas ku daray. “Waxaan intaas ku dari lahaa inay habboon tahay inaan maanka ku hayno in qaar ka mid ah Waddamada ay Colaaduhu saameeyeen aysan haysan kaabeyaasha aasaasiga ah, iyadoo weliba hay’adaha Dowliga ahna ay yihiin kuwo liita.

Xasan Sheekh ayaa xusay in Somalia ay si buuxda u taageersan tahay nidaamka caalamiga ee Dhismaha Kaabeyaasha ee uu Maamulayo Bangiga Adduunka, iyo Weliba Qorshaha qaaradda Afrika ee horumarinta kaabeyaasha ee la magac baxay Africa 50 Infsrastructure Fund.