Sirdoonka Wadamada Bariga Dhexe oo Ku Kulmi Doona Dallka Ugandha

0
74

igadoHogaamiyaasha dhanka sirdoonka iyo amaanka ee wadamada bariga africa iyo urur goboleedka IGAD ayaa todobaadka soo socda kulan ku yeelan doona magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Kulankan ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii loola wada dagaalami lahaa aslhababisla markaana lagu adkeyn lahaa guud ahaan amaanka waxaana uu socon doonaa sida la sheegey mudo laba maalmood ah.

Kulanka dib u eegista dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ayaa kamid ahaa hishiisyo la gaaray intuu uu socday kulankii amaanka iyo xasiloonida oo midowga Africa uu yeeshay 30-june ee sanadkan 2015.

Kulankii golaha amaanka ayaa loogu yeeray in dib u eegis lagu sameeyo daabulitaanka ciidamada nabad ilaainta ee gobolka iyo iney qiimeeyaan howlgalka Midowga africa ee Soomaaiya ka socda.